Xukumadda Md. Cabdiqaasim Salaad oo ciiddamo dheeraad ah u diray Balidogle iyo Kismaayo
BAYDHABO Nov 4, 2000 (BP)- Xukumada Md. Cabdiqaasim ayaa la sheegay in ay ciiddamo dheeraad ah u direen garoonka Balidoogle iyo magaalda Kismaayo, sababta loo diray ciiddankaas oo la sheegay in ay dhanyihiin ilaa iyo 1000 ayaan la garaneynin.
Waxaase warar madax banaan ay shegeen in Md. Cabdiqaasim oo ka cabsi qaba weerar kaga yimaada dhinaca RRA ay keentay artintaas iyada oo madaxda RRA ay dhowr jeer maalmihii la soo dhaafay carabka ku dhufteen in Cabdiqaasim uu ku fashilamy diyaarna uusan u ahayn in uu maleeshiyada taabcsan xukumadisa oo u dhalatay beesha uu Cabdiqaasim ka dhashay in uu ka saaro dhulka iyo degaanada Digil iyo Mirifle ee ay xooga ku haystaan.
Waxaa kale oo iyana warar madax banaan ay todobaadkan horaantiisi shegeen in kooxda Cabdiqaasim ay hub iyo saanad milateri ka heshay dowlada Yeman, balanqaad kalena ay ka sugayaan dalalka Sudan iyo Libya.
(BAYDHABO PRESS)
|