MAXAA MAANTA SHALAY UGA EKAAN BADAN, XAQIIQDA CABDUL-QAASIM-NA MAXAA UGA DHAWAAN BADAN XIQDIGII CAYDNovember 18 2000 at 9:55 PM | BAYDHABO PRESS | |
| MAXAA MAANTA SHALAY UGA EKAAN BADAN, XAQIIQDA CABDUL-QAASIM-NA MAXAA UGA DHAWAAN BADAN XIQDIGII CAYDIID),
Ku: Beelaha soomaaliyeed
Idaacada BBCda, Waregeyska
Baydhabo Press iyo wargeysayda kale
UJ: Baaq ay soo saareen jaaliyadaha Digil iyo Mirifle ee Yurub iyo Waqooyiga Amerika.
Bishan November 11 & 12 - deeda, waxaa lagu qabtay magaalada London Ont. ee Canada shir ay ka soo qaybgaleen qaar ka mid ah wax garadka, dhalinyarada iyo haweenka jaaliyadaha Digil iyo Mirifle ee Yurub iyo North America. Waxaana looga hadlay xaalada siyaasadeed ee soomaaliya, iyo sidii-looga bixi lahaa mashaakilka joogtada ah iyo dhibaatooyinka xad-dhaafka ah ee qabiilada somali- yeed qaarkooda, dhammaan dadka & deegaanada D&M oo noqday kuwa ugu bur-burka ,baaba'a iyo bara-kicinta badan.
Kasoo qayb-galayaasha shirka Jaaliyadaha D&M waxa ay aad uga doodeen marxadihii xumaa ee lasoo
marsiiyey qowmiyadooda laga soo bilaabo 1948-dii,intaan soomaaliya xuriyada qaadan kahor, kadib
markii xuriyada la qaatay iyo dowladii ugu horeysay ee soomaaliya,tii xigtay eemadaniga ahayd & tii militeriga, mooryaanta, illaa laga soo gaaro shirkii CARTA iyo dowladan hadda uu hogaanka u Hayo CABDUL QAASIM SALAD XASAN , waxay isku wada raaceen oo ay isku aragti ka noqdeen,in inkasta oo ay qabaa'ilka MAXAATIRI badidooda aanay ka nabad bixin wixii dhibaato siyaasadeed , dhaqameed Dad & deegaaneed ee loo geystay qowmiyada D&M. mudadaas nus-qarniga ku dhow haddana qabiilka sida Gaar ahaanta u fulinaayey arimahaas foosha xun uu ahaa qabiilka ay ka dhasheen,CAYDIID & CABDUL-QAASIM SALAAD XASAN, aydoon aan jirin wax xumaato ah oo ay u geysteen Qowmiyada D&M.qabiilkaasi oo ay kaga aargoosanayaan .
SHIRKAAS oo kasoo qayb-galaasha J.D&M. oo fadhigiisii labaad la isugu soo noqday maalintii labad Ee bishan oo lagu soo bandhigay boorar ay ku qoran yihiin magaca looga soo qayb-galay shirkaasi Oo ahaa DIGIL & MIRIFLOW (MAXAA MAANTA SHALAY UGA EKAAN BADAN, XAQIIQDA CABDUL-QAASIM-NA MAXAA UGA DHAWAAN BADAN XIQDIGII CAYDIID), waxaa ay ugu dambeyntii soo saareen BAAQAN hoos kucad.
1 - Ayadoo aan J.D&M. marna ogolaan doonin in qawmiyadooda la liido,la xaqiro ama cadow os mariyo qabiilo kale oo aan ka dad & deegaanba wana Sheeganaya magac dowladeed uu mar dambe uu xuquuqdooda u boobo qabiila kale oo aan ka dad iyo - Deegaanba wanaagsanayn, sida ka dhacday shirkii CARTA, iyo xaqiiqdii u qarsanayd CABDUL-QAASIM ee ay ummada soomaaliyeed oo idil ay wada arkayaan maanta kadib markii uu dhameeyey dhismihii Golihii wasiiradiisa & ku xigeenadooda oo uu ku cadeeyey in Qowmiyada D&M.ay ka liitaan,oo ay ka Raqiisan yihiin aan xaqna u lahayn waxaa ay xaqa uyeeshaan HOWIYE & DAAROOD, asagoo si caddaan ah Uu ujebiyay Heshiiskii CARTA oo soomaali oo idil ay isku raacday in 4-ta beelood ee waaweyn ay Isku mid ka ahaadaan qaybsiga dawlad kasta oo soomali ka dhalata, taasoo ka tarjumaysa xiqdiga la Mid ah kii CAYDIID ee u qabo qowmiyada D&M. oo ay iska dhaxleen asaga & bahdiisa ayaa waxaan usoo
Jeedineynaa dhamaan beelaha uu xuquuqdooda u boobay qabiilada kale & Q D&M. inay u diyaar garoobaan Waxaa ay doorteen reer CABDUL-QAASIM oo ah dhiig daadin & xoog kaliya ay yihiin waxaa looga amaan Heli karo, xuquuqda Beelaha kalena ay ku dhowri karaan.
2 - in walaalnimada Qof kasta & qabiil kasta ay la wadaagi karaan beelaha xuquuqdooda la
Rabo in la lunsado ama ah kuwa ay kooxdaas aan kor kusoo sheenay dhibaatada ku hayaan ay ku wada
Saleysnaato hadba siday ayaga uga timaado ixtiraamka & dhowrista xuquuqda dhinaca dhibaysan, inta Ay naftooda dulmiga u huraana in beelaha dulmani ay xaqooda u huraan.
3 - In dhammaan beelaha dulman iyo kuwa xaqdoonka ah oo idil meel kastoo ay joogaanba ay
Si buuxda u taageeraan Maamulka loo soo dhisi doono goboladda Koonfur/Galbeed ee soomaaliya, si ay u - Arkaan kuwa isu maleeyey inay ayagu leeyihiin xuquuqda dowlada soomaaliyeed,inta kalena yihiin kuwo u saaranyahay oo keliya waajib ay ugo'aamiyaan , si loo taabsiiyo xaqiiqdooda dad & deegaan ahaaneed Loona kala ogaado kan martida ah & kan loo yahay soomaaliya.
4 - in caalamka loo soo jeediyo C/qaasim & kooxdiisa inay duulaan ku yihiin nabada & hor-
umarka ay gaareen deegaanada maamul goboleedyada sameystay, iyo kuwa kale ee hada wada
Sida Deegaanada hoos imaada maamulka RRA , Maadaama sababta ugu weyn ee loo sameeyey dowlada C/Q. SALAD XASAN ee ku dhalatay ( MAXLALKA ) Cismaaciil cumar geele ay tahay si loo baabi'iyo jirita-anka maamuladaas, oo caalamkana looga qariyo ceebta daba dheeraatay ee dadka & deegaanada ku guul Dareystay inay dad noqdaan oo ay sameystaan maamul,ayadoo caalamka gaar ahaan carabta ay u fidiyeen wax-kastoo suurta gelin lahaa ,sidaa darteena caalamka loo sharxo inay waajib ku tahay inay hor-Istaagaan koox kasta oo rabta inay edir ka dhigaan horumarka ay ku talaabsadeen gobolada sida punt-land,somali-land Iyo Deegaanada Maamulka RRA, ee aan maxlalka omar geele ku dhalanin, ee ay ku-dhasheen rabitaanka waliyayaashooda oo ah shucuubta degan deegaanada hoos imaada maamuladaas oo- La weydiyey ka hor intaan la sameynin.
5 - In la taageero Ururada Xaq udirirka sidaa RRA, taasoo ah talaabada saxa ah ee lagu
Ogoleysiin karo qabiilada iska dhaxlay dulmiga, ku dulnoolaanshaha, dilka,boobka xuquuqda dadka
Beeraleyda ah iyo masaakiinta soomaaliyeed.
Ugu dambayntii waxaan soomaaliya u rajeyneynaa inuu rabi ka qabto kuwa uu kusoo saliday Ee isu arka in sinaanta , cadaalada iyo xaq wax kuwa qaybsiga shacabka soomaaliyeed aanay dantoo da ku jiri.
SHIRKA JAALIYADAHA digil & Mirifle -
Yurub iyo Waqooyiga amerika
|
|
|