--

 Return to Index  

Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] iyo wafdi uu hogaaminayo oo u ambabixi doona dalka Libiya

November 28 2000 at 4:15 PM
BAYDHABO PRESS 

 

Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] iyo wafdi uu hogaaminayo oo u ambabixi doona dalka Libiya

BAYDHABO Nove 28, 2000 (BP)- Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo guddomiyaha RRA Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] ayaa lagu wadaa in ay u ambabaxaan dalka Libiya iyaga oo martiqaad ka helay hogaamiyaha dalkaas Col: Mucamar Al-qadaafi.

Xubnaha wafdiga ayaa sii raaci doona diyaarad khaas ah oo uu u soo diray Madaxweeynaha Liibiya Col: Qadaafi iyada oo haatan ay dalka Libiya ku sugan yihiin Madaxweeynaha Puntland Md. Cabdulaahi Yusuf Axmed iyo Hogaamiyaha Kooxda CARTA Md. Cabdiqaasim Salaad.

Waxaa iyana isla todobaadkan ka doofi doona magaalada BAYDHABO wafdi uu hogaaminayo guddomiye ku xigeenka kowaad ee ururka RRA Md. Sheikh Adan Maxamed [Madoobe] iyaga oo ku sii jeeda dhinaca iyo Itoobiya.


(BAYDHABO PRESS)

 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement