--

 Return to Index  

BAAQA KASO BAXAY SHIRWEYNAHA QOWMIYADA DIGIL IYO MIRIFLE EE WAQOOYIGA AMEERIKA

December 2 2000 at 11:04 PM
BAYDHABO PRESS 

 
BAAQA KASO BAXAY SHIRWEYNAHA QOWMIYADA DIGIL IYO MIRIFLE EE WAQOOYIGA AMEERIKA EE SANNADKA 2000 LAGUNA QABTEY MAGAALADA TORONTO EE DALKA KANADA.

BAYDHABO Dec 2, 2000 (BP)-Waxaa magaalada toronto ee dalka kanada lagu qabtey taariikhdu markey ahayd 26/11/2000, shirweyne sanadeedka qowmiyadda Digil iyo Mirifle ee ku nool qaaradda Waqooyiga Amerika. shir sanadeedkaasi waxaa kasoo qeyb galey dad ka kala yimid magaalooyinka kala duwan ee amerika iyo kanada. shirkaasi oo lagu qabtey hoolka weyn ee dowlada hoose ee Norht York ujeeddadiisu waxay ahayd:-

Maxaa dan u ah qowmiyada Digil iyo Mirifle ayadoo la tixgelinayo duruufaha kusoo kordhay xaalada dalka iyo dadka Somaaliyeed waxaa aragtidooda kasoo jeediyey qaar ka mid ah aqoonyahanada qowmiyadda Digil iyo Mirifle oo fursad u yeeshey iney kasoo qeyb galaan shirkaas. Mowduucyada shirka laga soo jeediyey waxay kala ahaayeen sidatan.

1- Qur'aanka kariimka ah waxa uu ka qabo " Nifaaqa iyo Namiimada " waxaana soo jeediyey Sheekh Cabdullahi.

2- Shir-xiririye Yasiin Abikar ayaa ka hadley qaabka uu shirka u dhici doono.

3- Mr. Axmed Xaaji Maxamed ayaa isna ka hadley sida madaxda Digil iyo Mirifle u gudan waayeen xilkooda waqtigii UN ka ay joogeen gobolada Alta Jubba [Arlaadi].

4- Mr. Maxamed Munye Qaasim ayaa ka hadley qaabka 'FEDERAALIGA' ah iyo taariikhda SDM oo ku saabsaneyd u halgemida qaabka Federaali ah waagii xornimada.

5- Gudoomiyaha Digil iyo Mirifle ee magaalada toronto Mr. Xasan Xaaji Abukar ayaa soo jeediyey ujedoyinka qowmiyada Digil iyo Mirifle guud ahaan, gaar ahaana 'SHIRKII DJABOUTI EE CARTE'

6- Mr. Ibrahin Cilmi Maxamed ( Sokorow ) wakiilka RRA ee waqooyiga Amerika ayaa isagana ka soo jeediyey shirka halgankii hubeysnaa ee RRA iyo ujedoyinka siyaasadeed ee ku saabsan dhismaha dowlad goboleedka ee la damacsan yahay mustaqbalka dhaw.

7- Marwo Naciimo Muqtaar ayaa iyana kasoo jeedisey shirka muhiimada loo qabo in afka May-Mayga looga hadlo shirarka ay yeelanayaan qowmiyada Digil Mirifle.

8- Mr. Cabdulqaadir Yaanyuurow ayaa isagana kasoo jeediyey shirka midnimada qowmiyadda Digil iyo Mirifle ee soo jireenka ahayd iyo iskaashi joogto ah oo dhan kastaba leh oo dhex mara qomiyada D&M.

Shirkaasi oo uu shir gudoomiye ka ahaa Dr. cali maxamed waxaa uu u dhacay si wanaagsan oo ay ku dheehan-tahay asluub, ismaqal, iyo isqaderin dhex taaley kasoo qeyb galayaasha, taasoo ka turjumeysa kala dambeynta iyo is-ixtiraamkii soo jireenka ahaa ee weligoodba lagu yiqiiney ummada Digil iyo Mirifle. Shir gudoomiyahu wuxuu shirka xiray saacadu markey ahad 7:30 pm waxaa uu mahad u jeediyey dadka shirka kasoo jeediyey mowduuca iyo kuwa sida asluubta ay ku dhehan-tahay u dhegeystay. shirkaasi oo bilowdey saacadu markey ahayd 4:00 pm waxaa si rasmi ahaan loo xirey 7:30 pm. Guddi farsamo oo uu guddoomiyaha D&M u magacaabey iney soo ururiyaan nuxurka iyo baaqyada shirka 2000, waxaa shirka kasoo baxey baaqan soo socda.

1- IN LAGA SHAQEEYO SIDII LOO ADKEYN LAHAA MIDNIMADA SOO JIREENKA AHAYD EE QOWMIYADA DIGIL IYO MIRIFLE, MEELNA LOOGA SOO WADA JEESTO HIRGELINTA UJEEDOOYINKA QOWMIYADA DIGIL IYO MIRIFLE.

2- IN LA XOOJIYO XIRIRKA IYO ISKA WARQABIDDA QOWMIYADA DIGIL IYO MIRIFLE IYADOO LA ADEEGSANAYO FARSAMOOYINKA CUSUB EE ISGAARSIINTA.

3- IN MEEL LOOGA SOO WADA JEESTO DADKA KUSOO DUULEY DHULKA QOWMIYADA DIGIL IYO MIRIFLE AYAGOO U SOO MARAYA WADA KASTA OO AY DOONAYAAN IN EY KU MILKIYAAN DHULKAAS EY XOOGGA KU HAYSTAAN.

4- IN HIIL IYO HOOBA TAAGEERO ADAG LOO FIDIYO URUKA RRA IYO SIYAASIYIINTA SIDA XAQA AH UGA TURJUMA DANAHA DIGIL IYO MIRIFLE.

5- IN LOO JIDEEYO INDHEER GARADKA DIGIL IYO MIRIFLE KA QEYB GELIDA SHIRARKA LAGU GO,AAMINAYO SIYAASADA QOWMIYADA D&M, LANA DIIDO GOAAN KASTA OO AYSAN INDHEERGARADKA KA QEYB GELIN.

6- XAFIISYADA QOWMIYADA DIGIL IYO MIRIFLE INEY YEESHAAN XIRIIR JOOGTO AH SI LOO HELO KA WARQABID MIDEYSAN EE DANAHA QOWMIYADAAS OO MAREYSA MEEL XASAASI AH.

7- IN LA TAAGEERO QAAB DHISMEEDKA FEDERALIGA AH, LANA DIIDO ISKU DUL NOOLAASHO IYO IS ADOONSI MALDAHAN OO LOO MARAAYO WADO KASTA SIDA DIINTA,AFKA IYO SABABO KALE OO RAKHIIS AH.

8- IN XOOG LA SAARO SIDII ADDUUNWEYNAHA LOOGA DHAADHICIN LAHAA INAY QAADACAAN MOOSKA IYO XOOLAHA LAGA DHOOFINAAYO GOBOLADA DIGIL IYO MIRIFLE SABABTOO AH INEY EY YIHIIN KUWO DADKII LAHAA LAGA XAYAAYUUBIYEY IYAGANA QORI CAARADIIS LOOGU TACBAAYO.

9- UGU DAMBEYNTII SHIRKU WUXUU ADKEEYEY BAAHIDA LOO QABO SHIR KALE IN LA QABTO, HASE YEESHEE GOORTA IYO GOOBTA LAGU QABAN DOONO DIB LOO SOO SHEEGI DOONO

(BAYDHABO PRESS)

 
 Respond to this message   
Responses

Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement