Ayidaadda Shirwaynihii Digil iyo Mirifle ee Waqooyiga Ameerika
Anigoo ku hadlaya magaca Jaaliyadda DM Switzerland
waxaan ayidsannahay Baaqii kasoobaxay taarikhdu
markay ahayd 26.11.2000 Qawmiyadda Digil iyo
Mirifle shirwaynihii ay ku yeesheen magaalada
Toronto ee wadanka Kanada.
Runtii wax naga dahsoon ma ahan xaaladaha
siyaasadeed ee marba waji cusub lasoo baxaysa iyo
dhibaatooyinka loo geeysto Qawmiyadda Digil iyo
Mirifle. Si looga hortago waxaan balan qaadaynaa
in aan qaadano talooyinkii aysoo jeediyeen
walaalaheena maal iyo maskaxba iyo muruqba si
loo badbaadiyo jiritaankeena.
Waxaan talo kusoo jeedin lahaa in sidoo kale
jaaliyadaha kukala nool Yurub,Asia iyo Australiya
in ay is abaabulaan oo kulamo noocaasi oo kale
ah yeeshaan oo fikaradahooda soo jeedsadaa si
aan talooyinkeena meel aan usugu soo uririno.
Ilayn talo ama maskax ururtay,maal ururay iyo
muruq ururay ayaa guul lagu gaari karaa.
Waxaan Eebe uga baryaaya kuwa xaq udirirka ah
ee aaga hore kujira RRA in uu guul siiyo.Amin.
W.Q. Cabdullahi Shiirre
|