--

 Return to Index  

Kulankii uu soo qaban-qaabiyay hogaamiyaha dalka Libiya Col: Qadaafi oo fashil ku dhamaaday

December 5 2000 at 5:21 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Kulankii uu soo qaban-qaabiyay hogaamiyaha dalka Libiya Col: Qadaafi oo fashil ku dhamaaday

BAYDHABO Dec 5, 2000 (BP)- Kulankii ay soo qaban-qaabisay dowlalda Libiya oo la filayey in ay ku kulansiiso hoggaamiyayaasha kooxaha Somaaliyed ayaa fashilamy ka dib markii ay qaar badan oo ka mid ah aysan ka soo qeybgalin.

Wararka aan ka helnay Libiya ayaa sheegaya in hoggaamiyaha dalka Libiya uu isku dayay in uu kulansiiyo hoggaamiyaha kooxda CARTA Md. C/qaasim Salaad Xasan iyo hogaamiyaha RRA Md.Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] taas oo uu Col: Qadaafi ku guul daraystay ka dib markii uu Shaargaduud diiday in uu la kulmo C/qaasim iyada oo uu Col: Qadaafi uu dadaal badan u galay kulansiinta labada hoggaamiye.

Dhinaca kale wafigii uu hoggaaminayey Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada BAYDHABO waxaana ay saxaafada u shegeen in ujeedada socdaalkoodu u la xiriray martiqaad ay dowlada Libiya u fidisay balse aysan ku talo gelin in ay la kulmaan hoggaamiyaha kooxda CARTA C/qaasim waxay kale oo shegeen in ay dowlada uu madaxda ka yahay Col: Qadaafi ay u cadeyeen in ay joojiso kaalmada ay mar walba siiso kooxaha cadowga ku ah nabada iyo xasiloonoda degaanada iyo shacabka Somaaliyeed.


(BAYDHABO PRESS)

 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement