--

 Return to Index  

Guddomiyaha gobolka Bay Md. Maxamed Cali Aden (Qalinle) oo la hadlay Haweenka gobolka.

December 13 2000 at 6:45 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Guddomiyaha gobolka Bay Md. Maxamed Cali Aden (Qalinle) oo la hadlay Haweenka gobolka.

BAYDHABO Dec 13, 2000 (BP)- Guddoomiyaha G/Bay Md.Max,ed Cali Aadan (Qalinle) iyo Gudd Degmada Xasan Macalin Axmed (Biikalo) ayaa xaley ka qeyb galey shir lagu qabtey Xarunta Ururka Haweenka ee Magaalada Baydhabo.

Shirkaas oo ayaa waxaa ka soo qeybgaleen Ururada Haweenka heer Gobol iyo mid Degmo waxaana looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta Haweenka, Caafimaadka, Dhaqaalaha iyo sidii ay Haweenku uga qeyb qaadan lahaayeen wacyi galinta Bulshada iyo Dhalinta soo koreysa, maadaama ay yihiin furaha Bulshada.

Hadal uu goobtaasi ka jeediyey G/Gobolka Bay Md.Max,ed Cali (Qalinle) ayaa waxa uu ku sheegay in la doonayo in Haweenku ay u noqdaan tusaale Bulshada inteeda kale si loogu daydo ayna ka qeyb qaataan hawlaha sida Nabad gelyada, toosinta ubadka iyo sare uqaadida Nadaafada, intaasi kadib waxaa isna ka hadlay shirkaas G/Degmada Xasan (Biikalo) wuxuuna uu ku guubaabiyey Haweenkii ka soo qeybgalay kulankaas in ay kaalintooda ka soo baxaan.

(BAYDHABO PRESS)


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement