Taliyaha nabadgelyada ee Ciddanka RRA oo sheegay in aysan jirin wax dagaal ah oo ay la galeen qabil Somaaliyeed
BAYDHABO Dec 16, 2000 (BP)- Dagaal la sheegay in uu ka dhacay tuulo ka tirsan gobolka Hiiraan wargeysyada Muqdisho qaarkoodna ay qoreen in uu dhexmaray ciddan ka tirsan RRA oo ku sugan xuduuda u gobolka Bakool uu la leeyahay gobolka Hiiran iyo maleeshiyo u dhalatay beesha Gaaljecel ayaa uu Taliyaha nabadgelyada ee ciddanka RRA Mr. Aden Maxamed Axmed [Aden Baariyow] uu sheegay in aysan waxba ka jirin.
Waxaa kale oo uu Aden Bariyow sheegay in cidamada RRA aysan ka qeyb qaadan dagaalada dhex mara qabaailka Somaaliyeed dagaalka la sheegayna waxaa u ka dhacay ayuu yiri tuulo ka tirsan gobolka Hiiraan wax shaqo ahna kuma lihin.
(BAYDHABO PRESS)
|