--

 Return to Index  

Maxmaed Xaaji Cadow oo ka jawaabay maqaalkii C/raxman Xoosh uu ka qoray [Shaarrgaduud]

December 16 2000 at 3:17 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Maxmaed Xaaji Cadow oo ka jawaabay maqaalkii C/raxman Xoosh uu ka qoray [Shaarrgaduud]

BAYDHABO Dec 16, 2000 (BP)- Waxaa maalintii shalay lagu soo bandhigay bogga Hiiraan Online maqaal uu C/raxmaan Xoosh kaga faalooday Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud], maqaalkaas oo si daacad ah aan oga hadlin [Shaargaduud] akhristayaashuna ay dareemayeen in uu qoraaga maqaalku uu hal dhinac u janjeero ayaa waxaa jawaabti loo baahna iyo waqtigii loo baahnaba ka bixiyay Mr. Maxamed Xaaji Cadow.

Run ahaantii jawaabta uu Maxamed ka bixiyay maqaalka C/raxmaan Xoosh ayaa ku filan qoraaga iyo intii kaleba ee ku fakiri lahayd in ay soo gudbiyaan qoraalo aan xaqiiqada ku saleysnayn iyo in been laga sheego hoggaamiyayaasha iyo taarikhda qowmiyadda Digil iyo Mirifle. Maxaa yeelay jawaabta uu Maxamed Xaaji Cadow uu siiyay C/raxmaan waxay ahayd sidii Maclin iyo Ardaygiisi, oo Macalinku uu san ku qancin sida uu ardaygu wax u soo qoray.

Dhinaca kale waa in aqoonyahanka Digil iyo Mirifle ay ku dadaalaan soo bandhigista taarikhda dadkooda iyo doorka ay kaga jiraan taarikhda Somaaliya, waxaa la wada ogyahay in nidaamyadii ka jiray dalka Somaaliya ay dagaal toos ah iyo mid dadban ay ku hayeen qowmiyada Digil iyo Mirifle xag siyaasaded, dhaqan, waxbarasho, dhaqaale iyo mid bulshaba.

Waxaa iyadana xaqiiqo jirta ah in dad badan oo Somaaliyeed ay jaahil ka yihiin taarikhdeena iyo dhaqankeena, waxaana aan tusaale u soo qaadan karnaa qoraalkii ugu danbeeyay ee uu Mr. C/raxmaan Xoosh ka qoray [Shaargaduud] waxaad ka arkaysa in uusan aqoon fiican u lahayn in Qowmiyada Digil iyo Mirifle ay u soo halgantay in Somaaliya lagu dhaqo nidaamka [Federalka] ayna yihiin dadkii ugu horeeyay ee u arka in uu xalka Somaaliya ku jiro nidaamkaas iyada oo aan Somaaliya xornimo qaadan.

Ugu danbeyntii faalo yar oo ku saabsan qodab uu C/raxmaan ka hadlay oo la xiriira Moraalka [Shaargaduud] iyo diidmada uu diiday wixii ka soo baxay CARTA, taas waxay muujinaysa in uu Shaargaduud yahay nin Moraal fiican, maxaa yeelay sidaan horeyba uu sheegnay qowmiyada Digil iyo Mirifle waxay ku baaqeen markii ay Somaaliya xornimada qaadanaysay in masalxada ummadda Somaaliyeed iyo horumarka dalkuba uu ku jiro in la qaato nidaamka Federaaliga ah
waa laga diiday xoog ayaana loo sheegtay, wixii laga dhaxlay waa la wada arkay khasaaraha ugu weyna qowmiyada Digil iyo Mirifle ayuu gaaray, maanta suurto gal ma aha in Shaargaduud ama waxgaradka Digil iyo Mirifle in ay ogolaadaan nidaam ay dideen 40 san ka hor oo lagu khasbay maantana aan lagu khasbi karin oo ay leyihiin awood ay ku didaan.


(BAYDHABO PRESS)


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement