Maleeshiyada Kooxda CARTA oo guuldaradii ugu horeysay kala kulantay dagaal ay Balcad kula galeen kuwa Muuse Suudi.
BAYDHABO Dec 22, 2000 (BP)- Maleeshiyo ku hubeysan qiyaastii 30 gaadiidka dagaalka ah oo ay leedahay Kooxda CARTA ayaa shalay subaxnimadii hore si lama filaan ah ku galay magaalada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay gacanta ku hayeen maleeshiyo u daacad ah hogaamiye kooxeedka Somaaliyeed Muuse Suudi Yalaxoow.
Maleeshiyada Kooxda CARTA oouu hogaaminayay Jen. Maxamed Nuur Galaal ayey wararku sheegeen in halkaasi loo geeyey si ay uga hortagaan gacantana ugu dhigaan hub ay shegeen in ay dowladda Itoobiya ugu deeqday kooxda uu hoggamiyo Muuse Suudi oo ay ku tuhunsanaayeen in Balcad la soo marsiin doono.
Isla maalinimadii uu dagaalku dhacay gelinkii dambe ayey maleeshiyada Muuse Suudi Balcad u fadhisay rasaas ku bilaabeen kuwii C/qaasim si ay degaankooda uga soo saaraan, halkaasoo ay labada dhinacba is gaarsiiyeen khaasaarooyin aan la sheegin, waxaase dhinaca kooxda Muuse Suudi ay sheegeen in labo maleeshiyo ah dhankooda ka dhaawacantay.
Waxaa kale oo Muuse Suudi Yalaxoow war saxaafadeed uu ka soo saaray Muqdisho uu ku eedeeyey kooxda Carta ee uu C/.qaasim madaxda u yahay inay weerar gardarro ah ku qaadeen deegaanka Balcad halkaasoo ay kaga hortageen sida uu sheegay ciidamadiisu. "ciidamadeena difaacu waxay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo burburin qalab ciidan u geysteen kuwii soo weeraray" ayuu yiri Muuse Suudi oo qirtay in dhinacooda ay dhowr qof ka dhaawacantay, wuxuuna Soomaalida iyo caalamka ugu baaqay inay Isha ku hayaan wax uu ugu yeeray dagaalo sokeeye oo ay dalka ka bilaabeen kooxda Carta, isagoo dhinaca kalena maleeshiyadiisa ugu hambalyeeyey Guushii deg degta ahayd ee ay soo hoyeen.
Guuldarrada soo wajahday maleeshiyada C/qaasim ayey warar xogogaal ahi sheegeen inay ka dhalatay markii ay soo carareen intii badnayd gaadiidkii dagaal ee halkaa loo diray oo ay ka dagaalameen wax aan ka badnayn 10 tikniko ah, kooxda uu hogaamiyo C/qaasim ayaa ilaa iyo hadda aan war ka soo saarin dagaalkii ugu horeeyey ee ay ciidamadeedu galaan.
Sidoo kale ciidamadaas oo baadi doonayey hub tiradiisa lagu sheegay 9 gaari oo is Jiid ah oo la maleynayey in ay ku sugnaayeen magaalada Balcad iyo hareeraheeda una socday hoggaamiye kooxeedka Muuse Suudi ayaa sidoo kale loo diray dhinaca wadada Wanlaweyn hubkaas ayaa la sheegay in uu haatan soo gaaray magaalada Muqdisho.
(BAYDHABO PRESS)
This message has been edited by moalen on Dec 23, 2000 12:31 AM
|
|