--

 Return to Index  

Md. Xasan Axmed Al-turaabi (Biikole) oo qaabilay wefdi ka socdey Hay'adda OXFAM.oo booqday Baydhabo

December 23 2000 at 12:34 AM
BAYDHABO PRESS 

 

Md. Xasan Axmed Al-turaabi (Biikole) oo qaabilay wefdi ka socdey Hay'adda OXFAM. oo soo booqday magaalada Baydhabo.

BAYDHABO Dec 22, 2000 (BP)-Guddomiyaha Degmada BAYDHABO MD. Xasan Axmed Al-turaabi (Biikole) iyo ku xigeenkiisa Xayir Goley ayaa maanta xafiiska Degmada waxey ku qaabileen wefdi ka socdey Hay'adda OXFAM.

Hay'addan oo maanta booqasho ku timid magaalada BAYDHABO ayaa sida wararku sheegayaan waxay rabtaa iney ka hawl gasho gobolada Bay, Bakool iyo Jubada Dhexe.

Warku wuxuu intaas ku daray in Guddomiyaha Degmada Mr. Biikole oo u weheliyo Xoghayaha Dowladda Hoose ay maanta socdaal la xiriiray u kuur galidda canshuur uruurinta iyo nadaafadda ay ku soo mareen qeybo ka mid ah suuqa dhexe ee magaalada Baydhabo, Guddomiyaha ayaa mar u la hadlayay Ganacsatada Suuqa waxaa uu ku Baraarujiyay inay ku dadaalaan Nadaafada Goobaha ay ku Ganacsadaan.



(BAYDHABO PRESS)



    
This message has been edited by moalen on Dec 23, 2000 12:37 AM


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement