--

 Return to Index  

Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] oo hambalyo u diray Madaxweynaha dalka Mareykanka

December 31 2000 at 12:24 AM
BAYDHABO PRESS 

 
Gudomiayah Ururka RRA Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] oo hambalyo u diray Madaxweynaha dalka Mareykanka.

Addis-ababa Dec 30, 2000 (BP)- Guddomiyaha Ururka RRA Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] ayaa todobaadkan hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Md. Gearge. W. Bush. isaga oo ugu hambalyeyay xilka cusub ee loo doortay.

Guddomiyuhu waxaa kale oo uu warqadiisa ku xusay kuna ammaanay talaabadii taarikhiga ahayd ee uu qaaday Madaxweynihii hore ee dalka Mareynkanka Bush sanadihii 1992 dii ila 1993-dii ka dib markii uu soo diray 30,000 oo ciddamo Mareykan ah si ay u bad baadiyaan shacabkii Somaaliyeed ee u gacan galay CAYDID gaar ahaan Qowmiyada Digil iyo Mirifle oo si naxriis daro ah kana baxsan caqliga iyo bani,aadanimda loo xasuuqay ayna ku sigteen in la waayo oo ay tirtirmaan.

Waxaa kale oo uu guddomiyaha Ururka RRA xusay sida uu uga xunyahay 18 kii askari ee ka tirsanayd askarta Maareykanka ee lagu dilay Somaaliya iyaga oo u yimid in ay wax u qabtaan Somaali dhiban.


(BAYDHABO PRESS)





    
This message has been edited by moalen on Dec 31, 2000 12:26 AM
This message has been edited by moalen on Dec 31, 2000 12:25 AM


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement