BEESHA BARAAWE [SHANGAMAAS IYO TODOWOTOL] OO KA HADASHAY DHIBAATOOYINKA IYO XAQDARRADA LAGU HAYO DEGAANKA BARAAWE.
BAYDHABO Dec 30, 2000 (BP)- Warar laga helay Odayaasha iyo wax garadka ka tirsan beesha baraawe oo todobaadkan ku shiray degmada Buur-hakaba, ayaa waxay ka hadleen dhibaatooyinka aan joogsiga laheyn oo lagu haayo Baraawe dhibaa-tooyinkaas oo ay mas'uul ka yihiin shaqsiyaad isku sheegaya iney maamulaan deegaanka Baraawe oo kala ah abdulaahi xallane iyo Siid cali, oo katirsan beesha Habargidir, ceyr oo iyaga awood ku haystey tan iyo intii ay burburtay dowladii hore ee soomaaliya.
Dhibaa-tooyinkaas oo ay ka hadleen iyagoo aad uga xun waxa ka mid ah in kabadan 60 doonyood oo ay leeyihiin beesha ceyr ay tan iyo hada ka kaluumeystaan Baraawe, kalluumeysigaas oo uu ka soo galo qarash ama dakhli xoogleh, halka dadka degaanka ee u dhashay Baraawe ay ku nool yihiin nolol aad sabool u ah oo adag, loomana ogola in ay ku yeeshaan wax doon ah waxaa u sii dheer in laga qaado canshuur xad dhaaf ah.
Dhibaatada kale ee aadka u foosha xun ayaa waxaa ka mid ah in xaalufin lagu hayo degaankaas lagana dhoofinaayo Dhuxusha isla Baraawe, aydoo lagu soo daad gureynaayo Baabuurta loo yaqaano Isjiidka ilaa Kontomeeyo Gaari, laguna keydinaayo Xeebta Baraawe, aydoo lala sugaayo Markab, si loogu dhoofiyo wadamada Imaaraadka Carabta, horey ayey Odoyaasha dhowr jeer uga dacwoodeen cid ka hadleysa ma jirto kuwa isku sheegaya iney yihiin Wadaado oo xoog ku heysta Deegaanka Digil/Mirifle, iyo Abdiqaasin oo sheeganaayo Dowlad, iyo kuwa haysta Baraawe, raali ayey isaga yihiin in dadkaas aan xaqooda la siin oo dhibaatada ku jira.
Odeyaasha waxay aduun weynaha ka codsanayaan in si deg deg ah wax loogu qabto sida Dowlada Imaaraatka carabta oo iyadu ku takri fasho dhuxusha laga keeno Baraawe, iyo degaano ka mid ah Soomaaliya oo loogu keeno si sharci daro ah odayasha waxay kaloo ka codsdeen in Hayadaha Dowliga iyo kuwa aan Dowliga ahaynba ay cabaareeyaan Dowladaha sida sharci darada kaga iib sanaya Dhuxusha, kuwa dhiigyi cabka ah oo masaakiinta xaqooda cunaya.
(BAYDHABO PRESS)
|