comment about Hoosh article and respond to canshuur
BAYDHABO Jan 1, 2001-waalal canshuur waxaa iigu yaabaka badnaa artikalkii Xoosh u qoray markii u ku magacaabay nimanka dowlad ku sheega Carta in yihiin niman liberal ah oo doonaya danta soomaliyeed kana soo horjeeda niman kale oo hardlines ah.
Hadaan is waydiino goormay noqdeen nimankii taliskii Siyaad Barre ka ahaa wasiiradda ama genaraaralda liberals. Intaas waxaa sii dheer qof kasta oo caqli leh oo wax kala garanaaya oo aan is dhaadhammin sida walaalkey Xoosh wuu ogsoonyahay inay ahaayeen nimamkii ka dembeeyen dhibbatooyinka ka dhacay soomaliya ama hurinaayey dabkii dhiliyey dagalka sockeeye ay ku la'adeen umadd badan ee soomaliyeed oo rayad ahaa.
Waxaan u maleenayaa in walaalkey Xoosh uu qabo xusuus gaaban ama uu isku dayayo inuu marin habaabiyo taarikhda soomaliya. hase yeeshee tariikhda somaaliya waa mid qoran uuna marnaba qof sida Xoosh iyo mid lamid ah uu marinhaaabin karin.
Sida aad ku sheegtay jawaatii aan u celisay Xoosh waan ogsoonah taariikhda Federalism markey ka bilaabatay soomaliya iyo faa'iidada ay u yeelan karto ummada somaliyeed haday qaatan mabda'a Federalismka.
Waxaan kaloo wadiinayaa Xoosh iyo inta la halmaasha waa maxay baqdinta ay ka qabaan federalism ay u rabaan in ay soo celiyaa" Noolow, noolow aabe C/qaasim noolow.". Runtii waa arin la yaab leh oo maskaxda fajacinaysa markaan arko qoraalo sidaas oo kale ama qolooyinka isku shuqlinaya in ay ka gadaan talis isku sheega Carta oo ka kooban haragii siyaad Bare iyo niman dhuuni raacato ah oo anaa marnaba leheen wax shakhsiyad ah ay ku hogaamiyaan ummada soomaliyeed.
Walaal cashuur waxaa loo bahan yahay dad soomali ah oo wax garad ah oo runta u sheega shaqsiyaasha qaabka daran ee raba in ay u adeegsadan qalinka si aan habooneen.
W.Q. ALI KISMAAYO
|