--

 Return to Index  

CIIDAMADA RRA EE KU SUGAN GOBOLKA SHABEELAHA HOOSE OO HEEGAN TII UGU SAREYSAY GALAY

January 2 2001 at 10:11 PM
BAYDHABO PRESS 

 
CIIDAMADA RRA EE GOBOLKA SHABEELAHA HOOSE OO HEEGAN TII UGU SAREYSAY GALAY

Marka January 1, 2001(BP)- Wararka naga soo gaaraya G/Shabeelaha hoose waxaa ay sheegayaan in Ciiddamo aad u hubaysan oo ka tirsan ciiddanka RRA ee jooga goobo aan la magaacbin oo ka tirsan gobolka shabeelaha hoose in amar lagu siyay inay u diyaar garooban dagaal adag si ay u difaacaan dhulka Digil iyo Mirifle ee uu cadowgu xoogga ku heysto.

Taliyaha Ciidanka RRA Qeybta G/Shabeelaha hoose oo u waramayey saxaafada ayaa u sheegay in aysan u dul qaadan karin xasuqa iyo barakicinta lagu hayo beelaha Digil iyo Mirifle ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo daan daansiga cad ee kooxda CARTA ay ku dooneyso in ay ku kala qeybiso dadkeena wuxuuna yiri ha ogaadeen in wooda ciiddanka RRA lagu qabo kalsooni buuxda oo hal qeyb oo ka tirsan ciiddanka RRA in ay ku xoreeyn karaan gobolka shabeelaha hoose muddo ka yar 24 saacdood.

Waxaa kalo uu Taliyuhu inta ku daray in gobolka shabeelaha hoose laga saari doono maleeshiyada xaaranta isku baahaysatay sidii looga saaray gobolada Bay iyo Bakool hadii ay diidan in ay ikhtiyaar ku baxaan si looga badbaado dagaal khasaaro badan keeno oo ay dad badan ku hoobtaan.

Dhinaca kale Wararka naga soo gaaraya isla G/Shabeelaha hoose aya sheegaya in amar lagu bixiyay maqribnimadii shalay in gebi ahaanba la xiro isgaarsiinta oo dhan taasoo si degdeg ah loo fuliyay wixii ka danbeeyay maqribnimadii xalayna hawada laga waayay dhammaan Khadadkii Telefoonada iyo Isgaarsiintii kale ee gobolada Bay ,Gedo,Bakool iyo J/ dhexe lagala xiriiri jiray.


(BAYDHABO PRESS)



    
This message has been edited by moalen on Jan 2, 2001 10:20 PM


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement