Qorshaha Howlgalka iyo wax qabadka Qowmiyadda Digil iyo Mirifle [ Waqooyiga Amerika ] ee sanadka 2001
Toronto January 2, 2001 (BP)- Shir hor u dhac ah oo lagu qabtey xafiiska qowmiyada Digil iyo Mirifle ee ku sugan dalka soomaaliya dibadiisa, shirkaas oo ey kasoo qeyb galeen wakiilo ka wada socda qaaradaha aduunka ayaa lagu qabtey magaalada Toronto ee dalka canada.
Shirkaas oo hor u dhac u ahaa shirweyne lagu qaban doono magaalada Colombus Ohio ee dalka Mareykanka taariiqdu markey tahay 20 bisha Janaayo ee 2001, hadii uu eebe raali ka noqdo waxaa guud ahaan looga doodey qorshaha howgaleed ee sannadka cusub iyo kan mustaqbalka fog ee qowmiyadda D&M, waxaa la go,aamiyey in qorsho howgaleed loo kala saaro laba qeybood, qorshe sokeeye iyo kan mustaqbalka.
Qorshaha Howlgalka sokeeye:-
1- In la mideeyo xoogaga siyaasadeed, bulshadeed iyo tan ciiddanba si loo soo dedejiyo xoreynta dhulka Digil oo ey mooriyaanta xooga ku adoonsaneyso iyadoo loo adeegsanayo wadiiqo kasta.
2- in dacwad caalimi ah lagu soo oogo taasoo ku saabsan xasuuqid qowmiyado jira, burburinta hantidooda iyo deegaankooda iyo cimiladooda , si loo bara kiciyo loona hantiyo dhulkooda, iyadoo markhaati ahaan loo horgeyn doono Maxkamadda Caalimiga horteeda xaqiiqadaha hoos ku taxan.
A- Dhimasho ku dhow hal milyan ruux oo lagu diley qori, madaafiic, tikniko iyo gaajo.
B- kufsasho iyo dhaawicid cowradeed iyo sharaf meel uga dhicid oo aan la soo koobi karin, dhibanayaashana la hortaagi doono qareenada u dooda xuquuqda caalamida ah iyagoo mid walba garanaya eedeysanayaasha.
C- hanti u kala baxda ma guurto sida beeraha, guryaha oo xoog lagu heysto looguna shaqeeyo dadka reer Digil qori caaradiis, hantida kasoo baxdana loo dhoofiyo dalal ey hormuud u yihiin Talyaaniga ,Liibiya, iyo Carabta bedidood.
D- beerihii ka bixi jireen Moordi, Galey, Suuf, Sisinta iyo qudaartaba oo loo rogey kuwo lagu beerey xashiishka iyo maandooriyeyaasha ugu halista ah addunka sida heroinka iyo wixii la mid ah halkaasna loogu dhoofiyo adduunweynaha ayadoo loo sii marinaya waddamo isku sheegaya in ey ka xun yihiin dhibaatada soomaaliya ka jirta oo haba yaraatee hadana eynaan dooneynin in wax laga qabto oo eyna runta ka sheegayn.
Cimilada oo la xaluufiyey, iyadoo geedihii qarni soo jireenka ahaa ee cambaha la jarey lagana dhigey dhuxul maalin kastana laga dhoofiyo dekadaha ey heystaan mooriyaanta sida Kismaanyo, Marka, Barawe iyo Xamar iyo kuwo kale adduun weynadahana na daawanayo.
In dacwadani lagu soo eedeeyo malooshiyooyinka mas'uulka ka ah falalkaas dembiyadeed ee kor ku qoran, laguna cadeyn doono si aan shaki ku jirin haba yaraatee si looga abaal mariyo falalkooda, in dowlada Talyaaniga lagu soo eedeeyo halaaga soo taxana ah oo ey u geysatey qowmiyada Digil iyo Mirifle laga soo bilaabo xasuuqidii keli asayle, dhicii beeraha Digil iyo gacanta ey ku siiyeen mooriyaanta, burburinta Digil iyo Mirifle iyo iibshada caruurta Digil iyo Mirifle si loogu isticmaalo tijaawooyin cilmiyeed kala duwan iyo kala bixid xubno ka mid ah jirkooda ganacsi awgeed oo ey la wadaagaan mooriyaanta.
QORSHAHA HOWGALKA FOG:-
A- In aan marnaba la aqoosanin dowlad soomaaliyeed oo aan eheyn mid Federaali ah , la iska iloobo ereyga ah somali weyn iyo wixii la mid ah sida midnimo oo ey ujeedadooda weligoodba eheyd isku dul noolaasho iyo is addoonsi sharciyeysan.
B- In qowmiyada digil iyo mirifle guud ahaan gaar ahaana digil uu diyaar u yahay inuu qaado dagaal xornimo doon ah , isagoo adeegsanaya wax alaale iyo wixii uu kaga saari lahaa dadka xooga ku qabsadey dhulkiisa inta eysan ku sharciyoobin ( geeska lo,da kuleylka yaa lagu gooyaa).
C- In qowmiyad kasta ey ku laabato deegaankii lagu yaqiiney aydoo la raacayo waqtigii Talyaaniga ka hor si sharaf lehna u gartaan qaladkii ey galeen, haddii kalana sharaf daro qori caaradiis ayey kaga bixi doonaan, tani waa naga digniin ( dhul ninkiis ayaa is ka leh).
F.G:- Waxaan aqristayaasha la socodsiinaynaa in ey arintani ey tahay mid dhab ah oo eysan eheyn mid leyska soo geliyey internetka, wexeyna ka turjumeysaa dhibaatooyinka run ahaantii loo geystey qowmiyadda Digil iyo Mirifle laga soo bilaabo gumeysigii iyo dowlad ku sheegyadii dalka iska soo dhaxley si kastaba haku yimaadeene.
Nuxurka iyo dacwada waxaan idiin soo gudbin doonaa marka ey howlaha farsamada shaciyeed ey kasoo dhameystaan qareenada u dooda xaquuqda adanaha ee maxkamada caalamiga horteeda. eedaha wexey u kala qeybsan yihiin kuwo shaqsi ah, hey,ado iyo dowlado gacan ku siiyey siiba Talyaaniga, Liibiya, Masar iyo kuwo kale Khaliijka.
GUDDOONKA QOWMIYADDA DIGIL IYO MIRIFLE EE NORTH AMEERICA
yaasin abicar
E-Mail: beydhabo@usa.net
This message has been edited by moalen on Jan 2, 2001 10:19 PM
|
|