--

 Return to Index  

Dagaal khasaaro badan geystay oo saaka dhexmaray Maleshiyada Kooxda CARTA iyo Ciidamada RRA

January 6 2001 at 12:07 PM
BAYDHBABO PRESS 

 
Dagaal khasaaro badan geystay oo saaka subaxnimadii hore dhexmaray Maleshiyada Kooxda CARTA iyo Ciiddamada RRA.

XUDUR Jan 6, 2001 (BP)- Maleshiyada kooxda CARTA oo uu hogaaminayo Guddomiyaha Baarlamaanka Kooxda CARTA C/lla Deerow Isaaq ayaa saaka subax dagaal ku soo qaaday gobolka Bakool, Maleshiyadan oo baryahaanba ku sugnayd xuduuda uu gobolka Bakool la wadaago gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in ay saaka isku dayeen in ay u soo talaabaan dhinaca gobolka Bakool dagaalna ku soo qaaday degaankaas oo horeyba ay u joogeen ciiddamo xoogan oo ka socda RRA.

Dagaalkan maanta dhacay ayaa wararka naga soo gaaray degmada Tiyeglow ee gobolka Bakool ay sheegayaan in Maleshiyada kooxda CARTA ee madaxda ka yahay C/qaasim uuna hogaaminayay C/lla Deerow Isaaq in la gaarsiyay khasaaro badan oo leh dhaawc iyo dhimasho lagana qabsaday labo baabuur ooTikniko ah, gaari 15 fuusto oo shidaal ah uu saarnaa laba laankuruusar oo Nisan ah iyo hal gaari oo uu ku rakibnaa qalabka isgaarsiinta, tirada dhaawaca iyo dhimashada soo kala gaaray labada dhinac lama hayo ila iyo hada, waxaa ay wararku sheegeen in kooxdii CARTA dib loogu ceshay gobolka Hiiraan.

Dadweeynaha gobolka Bakool ayaa iyaguna muujiyay sida ay uga xunyihiin dagaalkan uu saaka soo qaaday C/lla Deerow Isaaq isaga oo hogaaminaya ayay yiraahdeen Ciddamo horey xasuuq ba'an ugu geeystay beelaha Digil iyo Mirifle danbiyo badana ka galay ummadda Somaaliyeed, waxayna shegeen in ay diyaar u yihiin in ay degaan-kooda ka difaacaan danbiilayaasha kooxda CARTA.

Dagaalkaan ayaa laga cabsi qabaa in uu bilow u noqdo dagaalo hor leh oo ay kooxda CARTA ka bilaabayso Somaaliya, iyada oo horey ay dad badan uga digeen in sheegashada ay kooxda CARTA sheeganayso dowladnimo in ay Somaaliya u horseedi doonto dagaalo ay dad badan ku hoobtaan.


(BAYDHABO PRESS)



    
This message has been edited by moalen on Jan 6, 2001 12:11 PM


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement