--

 Return to Index  

Somaalida Dibadaha oo qaban qaabinaya Mudaaharaad looga soo horjeedo qaar ka mid ah dalalka CARABTA

January 6 2001 at 12:30 PM
BAYDHBABO PRESS 

 

Somaalida Dibadaha oo qaban qaabinaya Mudaaharaad looga soo horjeedo qaar ka mid ah dalalka CARABTA

BAYDHABO Jan 6, 2001 (BP)- Somaali badan oo ku kala baahsan qaaradah Yurub iyo Amerika ayaa la sheegay in ay isu diyaarinayaan mudaaharaadyo looga soo horjeedo qaar ka mid ah dalalka CARABTA.

Mudaaharaad-yadaas ayaa la sheegay in lagu dhigi doono safaaradaha ay dalalka Libiya, Yemen, Masar, Sudan iyo qaar ka mid ah dalalka khaliijka ay ku leeyihiin caasimadahha Ingriiska, Mareykanka , Kanada, Australiya iyo dalal kale oo Yurubta ka mid ah iyada oo lagu eedaynayo kaalmada ay siiyaan kooxda Somaaliyeed ee loo yaqaan CARTA oo hada dagaalo cusub oo hor leh ka bilowday Somaaliya.


(BAYDHABO PRESS)

 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement