To: baydhabopress@hotmail.com
Subject: JAALIYADA DIGIL IYO MIRIFLE EE DENMARK
Date: Sun, 07 Jan 2001 20:53:13 +0100
Jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee denmark, waxay cadeyneysaa in dagaalkii ka dhacay degmada tiyeeglow ayna sabab u ahayd dowladii kumeel gaarka ahayd ee lagu soo dhisay Carta in yuu ahaa xaqdaro iyo gardaro cadaan ah ayago bilaabay in ay degmooyinka Digil iyo Mirifle ay ku soo qaadaan degaal ayna soo barakiciyaan dadka u dhashay degmooyinkaas.
Hadaba waxaan aan ummadda soomaaliyeed meelkasta oo ay jooto aan u sheegaynaa, in ay tahay gardaro iyo daan daansi ay rabaan kooxda carta in ay qulqulad ka abuuraan meelaha nabada taalo siiba degmada tiyeeglow oo aan hada ka hor aan degaal ka dhicin in ay geliyaan xasilooni daro.
Miyaanan wax lala yaabo aan ahayn in dhul maamul ka jiro dad la gala soo xiriirana leh ay duulaan ku soo qaado kooxda Carta. Hadaba hadii aan nahay jaaliyada Digil iyo Mirifle ee ku nool Denmark waxaan halkaan ku ayideynaa jawaabtii ay siiyeen ciidamada RRA dowlada ku meelgaarka ah.
Waxaanu leenahay maamulka iyo hogaamiyaasha RRA waan idin ku taageersanahay arinka sida aad u dhameyseen.
Waxaa aan lahadleynaa oo kale dadkeena Digil iyo Mirifle in ay ogaadaan in waxaa loo dan leeyahay ay tahay dhulkeena, ma waxaad rabtaan in mar walba Dubutaati ina gato? doonayana in uu fuliyo hagar daamo ay nala doonayaan dad kale.
Miyaanan anagu garan karin wixii danteena ku jirto?
Waxaa kaloo is weydiin leh dad badan oo somali ah ayaa lagu soo doortay Djabuti, meel ay dadkooda carqalad ay geliyeen majirto, maxaa anaga nalaga doonayaa?
Walaaliyaal ogaada in aanan dib danbe aan naloo khiyaameyn karin.
Waxaan umada Digil iyo Mirifle aan u rajeynaynaa guul.
Asasiyaash jaaliyada Digil iyo Mirifle ee Denmark
IBRAHIM SHEIK MOHAMED (QULQUL)
CADIRAHMAN ISMAIL HAJI MOALIN
AHMED ALI HASSAN (SHARIIF AHMED)
"Ibrahim Ibrahim" <ibrahimibrahim@hotmail.com>
|