Dhambaalo taagero ah oo ay jaaliyadaha Digil iyo Mirifle iyo dad kale u soo direen maamulka RRA
BAYDHABO Jan 8, 2001 (BP)- Dhambaalo tiro badan oo is daba joog ah ayna soo dirayaan jaaliyadaha Digil iyo Mirifle ee dibadaha iyo Somaali badan oo nabad jecel ayaa soo gaaraya maamulka RRA.
Dadka dhambaalada soo diray ayaa sheegay sida laga dhageystay Raadiyo Baydhabo in ay taagersan yihiin go'aanka maamulka RRA uu ku diiday in xubnaha kooxda CARTA ay imaadaan dhulka Digil iyo Mirifle iyaga oo loo soo diray si ay qas iyo dhibaato u dhax dhigaan dadkeena.
Dhinaca kale waxay cambaarayn uu jeediyeen kooxda uu hogaamiyo Cabdiqaasim Salaad iyo weerarkii gardarada ahaa oo ay ku soo qaadeen degaanka Tiyeglow ee gobolka Bakool, waxayna ugu baaqeen kooxda Cabdiqaasim in ay joojiyaan dagaalka isla markaana ay maleshiyadooda si deg deg ah uga saaraan dhulka Digil iyo Mirifle ee gobolka Shabeelaha Hoose.
(BAYDHABO PRESS) |