Md. Aadan Maxamed Nur [Saransoor] oo maanta la hadlay dadweeynaha degmada Tiyeeglow
Titeeglow Jan 8, 201 (BP)- Guddomiyihii hore ee gobolka BakooL Md. Aadan Maxamed Nur [Saransoor] iyo wafdi balaaran oo la socday ayaa maanta si wanaagsan loogu soo dhaweeyay degmada Tiyeglow ee gobolka Bakool.
Dadweeynaha reer Tiyeeglow oo u waramay wafdiga ayaa sheegay muujiyayna sida ay uga xunyihiin dagaalkii ka dhacay degmadooda oo ay yiraahdeen waxa dagaalka nagu soo qaaday koox aanan weli ka kabsan dhibaatdi ay u geysteen dadkena iyo degaankenaba kuwaas oo ka soo duulay Xamar iyaga oo adegsanaya dad degaanka
u dhashay si ay dhibaato u kala dhax dhigaan
colaadna nooga dhax abuuraan.
Md. Aadan Maxamed Nur [Saransoor] ayaa dadweeynihii tirada badnaa ee ku soo dhaweeyay Tiyeeglow u sheegay in cadowga beelaha Digil iyo Mirfle uu Shaatiyo badanyahay mar walbana uu ka shaqeynayo sidii uu u kala qeybin lahaa beelaha Digil iyo Mirifle si ay ugu sii dheeraato haysashada dhulka Digil iyo Mirifle, balse taas maanta shaqeyn mayso waxaana si wada jir ah u diiday ayuu yiri dadweeynaha Digil iyo Mirifle, gardarada kooxda Cabdiqaasim iyo dagaalka cusub ee ay bilaabeen iyaga ku khasaari doona ayuu yiri wayna heli doonaan jawaabta ku haboon.
(BAYDHABO PRESS)
This message has been edited by moalen on Jan 8, 2001 9:54 PM This message has been edited by moalen on Jan 8, 2001 9:53 PM
|
|