--

 Return to Index  

Dhulka gobolka Banaadir gaar ahaan Xamar ee Cabdiqaasim [Ina Salaad Booy] iyo beeshiisu ay boobayaa

January 11 2001 at 5:39 PM
Nasra Abdi 

 
Dhulka Xamar ee Ina Salaad Booy iyo beeshiisu boobayaan
by Nasra Abdi

Prof. Gaalaguul: "Maxaad ka ogtahay barakicinta Xamar ka socota…

Prof. Cumar Maxamed Xasan Gaalaguul oo ka mida aqoonyahanada Soomaaliyeed iyo asaasayaashii ururkii USC ayaa qoraal uu ka soo saaray dalka Talyaaniga ku bilaabay sida tan:

"Waxaa nasiib darro ah in maanta oo la joogo qarnihii 21-aad in hoggaamiye kooxeedka beesha Ceyr iyo xubno ka mid ah kooxdii Carta ay bilaabeen siyaasadda barakicineed ee ku wajahan degaanada Xamar iyo Xamar daye iyadoo waliba laga siisanayo guryahoodii qaaliga ahaa iyo goofafkoodii lacag been abuur ah oo ay kala yimaadeen dalka Malesia.

Lacagta xaaraanta ah oo ay dalka soo geliyeen koox ganacsato ah oo ay isku beel yihiin C/qaasim welina ku sii qulquleysa, waxaa dadka u muuqata lacagta faraha badan ee looga iibsanayo dhulkooda, hase ahaatee uma muuqato degaanka lagala wareegayo, waa wax maanta kula fudud oo berri soo celintooda dhiig badan ku daadan doono, naf badan iyo maal badan in loo huro u baahan doonto.

Xeeladaan waa tii lagula dhaqmay Ummadda reer Falastiin 1948-dii taasoo dhalaxsiisay degaan la'aan iyo dagaal joogto ah, nin beeso been ah kaagala wareegay gurigaada kaama gadan ee waa ku siray, Soomaalidu waxay ku mahmaahdaa "waan baahanahay bakhti looma cuno".

Haddaba baahida maanta jirta waxaa ka darnaan doonto inaad weyso degaan iyo meel lagaa doorto waxaadna ku qasbanaan doontaa inuu ku xukumo kii ku barakiciya. Waxaa tusaale idinkugu filan in Xamar lagu kordhiyay (Tuulo C/qaasim) oo ka daran tii lagu sheegi jiray (Booli Qaran) kaddib markaan aragnay siyaasadda degaameynta ee C/qaasim u daneyneysa beesha uu ka dhashay waxa aan idinkaga digeynaa inaydaan jasuurkiisa iyo goofafkiina iskaga bedelin lacag been iyo mid run ahba, una tabaabusheysataan sidii aad iskaga kicin lahaydeen kuwa idin soo kor degay iyo dhuuni raaca u adeega.

Sida aad ogtihiin Soomaalida badankood waxa ay nidaamsa-deen degmooyinkooda iyo goboladooda, waxayna iska ilaaliyeen in la soo kor dego idinkuna waxaa idiin furan inaad ku dayatiin.

Prof. Cumar Xasan (Gaalaguul).


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement