Xasan Nur Sugle ahna xubin sare oo ka tirsan ururka SNF oo ka jawaabay warkii ay idaacada BBC du sheegtay
Waan idin salaamay dhamaan shaqaalaha Baydhabo Press
Waxaan jeclaystay anigoo ah XASAN NUUR SUGULE ahna xubin sare oo ka tirsan ururka SNF inaan ka jawaabo warkii caawa laga siidaayey idaacada bbc-da:
Ugu horrayntii waa wax lala yaabo hadalkaa kasoo yeeray kooxda Carta, (Sida ciidamo Itoobiyaan ah oo gobolka ku sugan, dad ay Itoobiyaanku kaxaysteen iwm),hadalkaas oo aynu oran lahayn waa hadal aan sal iyo raadtoona lahayn, gobolada Gedo, Bay, Bakool waxaa jooga ciidamadii u dhashay kuwaasoo diyaar u ah inay ka difaacaan kuwa doonay dhulballaarsiga ee kasoo guuray gobolada dhexe; anagoo damacsan inaan geyno goboladaas wariyayaal soo xaqiijiya runta.
Kooxda carta waxay doonaysaa inay xoogga saarto sidii ay hub ugaga heli laheyd waddamada carabta ee fara ku tiriska ah sida Yemen halkii ay xoogga saari lahayd nabadaynta soomaalida.
Shalay ayaynu isgaarsiintii jarnay kaddib markaynu kawarhelnay inay kooxda carta doonayso inay soo weeradho gobolka(sidii ay u weeradhay Balcad iyo Tiyeeglow)iyadoo lasoo sheegay in Baraawe lagu dilay dad lana bililiqaystay magaalada, iyadoo kooxda carta ciidamo xoojin ah geynaysay magaalada kismaayo, halkaas oo Jan. MORGAN damacsan yahay inuu dib u qabsado.
Haddaynu nahay ururka SNF mawqifkayugu waa mid cad, kaasoo ah:
1) Walaalaynta ummadda soomaaliyeed ee isku afka,isku diinta iyo isku dhaqankaba ah.
2) In kooxda carta ee gardarada ku haysata gobolada J/hoose,J/dhexe iyo Sh/hoose ay shuruud la'aan kaga baxdo dhulkaa si loo baajiyo dhiig danbe oo halkaa ku daata.
3) Soomaalidu way istaqaan, in reer walba degaankiisii dib ugu noqdo,kanasoo sameeyo halkaa maamul, maxaayeelay koonfurta soomaaliya degimayso tan iyo inta kooxda cartaa ay haysato.
4) In dib u heshiisiin qaran dib loo qaban qaabiyo iyadoo lagu qabanayo dalka gudihiisa sida meelaha xasiloon ee kala ah GEDO, BAY, SOMALILAND, PUNTLAND, iyadoo la dhawrayo midnimada qaranka.
Ugu danbayntii waxaan ugu baaqaynaa ummadda soomaaliyeed ee nabadda jecel in la canbaareeyo cidkasta ee dagaal ku qaadda dhul aysan degaan u lahayn.
Assalaama calaykum wa billahi tawfiiq.
HASSAN NUR SUGULE
|