--

 Return to Index  

Faadumo Maxamed Xuseen [Faayow] oo u warantay Idaacad Somaaliyeed ee Ottawa ee dalka Kanada.

January 11 2001 at 8:54 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Faadumo Maxamed Xuseen [Faayow] oo u warantay Idaacad Somaaliyeed ee Ottawa ee dalka Kanada.

BAYDHABO Jan 11, 2001 (BP)- Wareeysi ay idaacada Ottawa ee dalka Kanada la yeelatay Faadumo Maxamed Xuseen [Faayow] ayey kaga hadashay xaalada guud ee gobolada ay maamulaan Ururka RRA gaar ahaan dagaaladi dhawaanta ka dhacay degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool.

Faadumo oo ah qofkii ugu horeyay ee kormeer ku soo mara degmada Tiyeeglow tan iyo intii uu dhacay dagaalkii todobaadkii hore ay isaga hor imaadeen kooxdii uu watay C/lla Deerow iyo ciiddamada RRA ayaa wareeysi siisay Idaacada Somaaliyeed ee Ottawa dalka Kanada waxaa wareeystay weriye Mr. Ismaaciil Xasan.

Faadumo oo ka jawaabaysay dagaaladii ka dhacay Tiyeeglow ayaa waxay sheegtay " in maleeshiyada kooxda C/qaasim oo u horkacayay C/lla Deerow Isaaq iyo ciidanmada RRA ay ku dagaalameen Tiyeeglow iyada oo maleshiyadii uu watay Deerow laga furtay hub iyo gaadiid dhowr ah ila sagaal qofna laga dilay.

Mar ay ka jawabaysay dareenka dadweeynaha degaanka Tiyeeglowo oo ay soo booqatay ayay waxay tiri " Dareenka daweeynuhu aad ayuu u ficnaa waxayna ka xumaayeen maleshiyada uu C/ll Deerow ku soo hogaamiyay degaankooda oo nabada ah waxayna dadweeynuhu dareen sanaayeen in maleshiyada uu watay Deerow ay ahaayeen isla kuwii Caydiid oo horey looga xoreeyay goboladaan waxaa isbadaly oo kaliya waa hogaamiyaha oo hada waxaa hogaamiya C/qaasim, dadka sida aadka ah uga soo horjeestay C/lla Deerow oo aan kula kulmay Tiyeeglow waxay ahaayeen Jilibkii uu Deerow ka dhashay oo ii sheegay bay tiri in ay jarjari lahaayeen hadii ay qaban lahaayeen.

Iyada oo ka hadlaysay qaxooti la sheegay in laga soo barakiciyay gobolka Shabeelaha Hoose ayay tiri'' haa waxaa jira in qaxooti dhowr boqol ah aan ku arkay degmada Buurhakaba oo laga soo barakiciyay degmooyinka Qoryooleey, Kuntuwaaarey iyo meelo kale oo ka tirsan gobolkaas waxaana soo barakciyay ayay tiri beesha Habargidir oo beerihii iyo guryihii ay dadkaasi lahaayeen xoog ku qaatay isla markaana tuulooyinka ay dadkaasi deganaayeen ay ka badlaeen magacyadii loo yiqiin iyaga oo u baxshay sida Tuulo Cayr, Tuulo Sacad Tuulo Saleebaan, Cadaado IWM.

Waxaa kale oo ay Faadumo Maxamed Xuseen [Faayow] ka hadashay xaalada caafimaad ee degaanada ay soo martay waxayna sheegtay in wixii ugu yaabka badnaa ee ay aragto ay ahaayeen dumar ama haween tiro badan oo waashay markii aan weydiyay waxa waalida ku riday intaas oo dad ah oo dumar u badan waxaa la ii sheegay bay tiri in ragoodi iyo caroortoodi lagu hor laayey oo kooxihii xooga ku haystay degaanadaan ay saa yeeleen.

Iyada oo ka jawaabaysay in ay ciidanka RRA awood u leyihiin ay kaga daafacaan gardaro uga timaada kooxda uu hogaamiyo C/qaasim waxay tiri " run ahaantii awooda ciiddanka RRA waa mid anigaba iga yaabisay marna kuma fakarayn in ay awooda intaas la'eg leyihiin xag tiro iyo xag qalba, wuxuu ciiddanku awood u leeyahay diifaaca dhulka Digil iyo Mirifle midka hada la haayo iyo kan maqanba, xitaa hadii loo baahdo in reer C/qaasim laga xoreeyo Somaaliya oo dhanba.

Mar wax laga weydiiyay xalada dhaqaalaha iyo waxbarashada waxaa ay sheegtay " in ay waxbarsho assaasi ahi ay jirto macalimiin waqtigooda uu hura sidii ay u dhisi lahaayeen waxbarshadana ay ka hawl galaan gobolada ay soo martay, xaga dhaqaalaha ummaddu way ka baxday xiligii gargaarka waxaa haatan loo gudbay waqti loo baahan yahay horumarin iyo maalgalin lagu sameyo beeraha, xoolaha iyo degaankamn hodanka ah.

Wareeysiga oo maqal ah waxaad ka dhegeysan dontaan Riverineland ama Arlaadinet iyo Arlaadi.com.


Waxaa wareeystay.
Weriye. Ismaaciil Xasan.


(BAYDHABO PRESS)

 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement