Banaanbax balaaran oo aay soo abaabuleen bulshada rayidka ayaa todobaadkan ka dhacay magaalada BAYDHABO
BAYDHABO Jan 16, 2001 (BP)- Banaanbax si wanaagsan looga soo shaqeeyay ayna ka qeyb qaateen dadweeyne aad u tiro badnaa oo lagu qiyaasay 20.000 kun oo qofood ayaa todobaadkan ka dhacay garoonka kubada cagta ee Dr. Ayuub Sheik Yerow Stadium ee magaalada BAYDHABO.
Banaanbaxaas oo ay soo abaabuleen Ururada Bulshada Rayidka ee magaalada BAYDHABO iyo nawaaxigeeda sida Ururada Haweenka iyo dhalinyarada ayaa waxaa looga soo horjeeday Kooxda CARTA, waxaana lagu beeniyay in wax ciidamo oo Itoobiyaan ah ay joogaan degaanka Jubada Sare.
Dadweeynihii mudaa haraadayey ayaa waxaa ay ku dhaawaaqyeen erayo ay ka mid yihiin dooni mayno kooxda Carta. dooni mayno dagaal ogee cusub, dhul ninkiisi baa iska leh iyo erayo kale. Waxaa dadweeynihii isu soo baxay khudbad qiimo leh oo taarikeed u jeediyay Malaaqa Malaaqyada beelaha Digil iyo Mirifle Malaaq. Xasan Shure oo si gaar ah uga sheekayay dhibaatadii ay Salbalaar u geeystay dadweeynaha iyo Shacabka Digil iyo Mirifle, waxaa kalo munaasabadaas ka hadlay Haween ku hadlayey magaca ururka Haweenka, Dhlinyaro iyo Ma'suliyiin ka socotay maamulka gobolka BAY.
(BAYDHABO PRESS)
|