Baaq iyo warsaxaafadeed ay soo saareen Jaalliyadda Digil iyo Mirifle ee Stockholm, ee dalka SwedenJanuary 18 2001 at 6:43 PM | BAYDHABO PRESS | |
| Baaq iyo warsaxaafadeed ay soo saareen Jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee Stockholm, ee dalka Sweden
Stockholm 15 Januari 2001Waxaan tacsi u diraynaa geeashi ku geeriyooday xaqa iyo xoraynta dhulkaDigil iyo Mirifle, waxaana Eebbe uga baryaynaa inuu ka waraabiyo naxariistiJanno. Markaan dib ugu noqonno taariikhda dhulka D&M soo maray waqtiyadii kala duwanaa laga soo bilaabo waqtigii gumeysiga, waxaa habboon mar waliba in D&M uu illaawin heerarka kala duwanaa uu dhulkooda iyo dadkoodu soo mareen.
Waxaan xasuusannahay sida ay u raadiyeen dadka D&M uu dhashay inay wax ugu qabtaan oo ay xaq la yaqaanno ku yeeshaan Soomaalida inteeda kale dhexdeeda.
Waxaan kaloo aad u xasuusannahay dadki dhulkaas u kacay inay la yimaadeen in la dhiso jamhuuriyad federaal (isutag) ah. Waxaan hubnaa in si wanaagasan looga warqabo fikradda D&M meesha ay ku dambeysay waagaas iyo sida loo xooray iyadoo loo gargaarsaday gumeystihii. Gumeystahana ulajeeddadiisa waxay ahayd inuu Soomaalida ka maamulo hal meel oo kaliya oo xarun u ah.
Hadda waxaa muuqatay in fikraddii federaalka ee D&M la dareemay oo la ogaaday inay ahayd mid meel marnoqon lahayd haddii la qaadan lahaa waagaas oo lagu dhaqmi lahaa. Waxaa muuqata oo shaki ku jirin in fikraddi D&M ee waagaas ay noqotay mid loo riyaaqay waqtiga hadda la joogo taasina waxaa tusaale u ah sida ay uga abuurmeen maamulo gaar ah dhulal ka mid ahaa jamhuuriyaddi burburtay. Waxaa is weydiin leh goormaa? Jawaabtu waxay tahay in la dareemay fikraddii D&M ee federaalka oo kaliya markay ka soo wareegatay qiyaasti qarni barkii ama 50 sano.
Waxay nala tahay in waqti fara badan oo qaali ah aan laga faaŽiidaysanin oo uu na dhaafay. Halkaan ku ma soo wada koobi karno heerarki kala duwanaa ee kala dambeeyay iyo dhibaatooyinki uu dhulka D&M soo maray annagoo aad uga warqabno sida loo quursaday D&M oo meel looga dhacay dadkooda, dhulkooda, afkooda, dhaqankooda, xaqooda iyo horumarkood guud ahaan ee heerarkii kala duwanaa ee taariikhda oo ay ugu dambeysay tii foolxumada lahayd ee dagaalkii sokeeye ku sheeggii. Markii loo dulqaadan waayay dulmiga iyo xaqdarrada xoog sheegashada ahayd ayaa waxay keentay inay D&M kacaan mar kale oo ay isugu tageen jabhad hubaysan (RRA) oo dadka u soo celiso xuquuqdi ay gurigooda iyo dhulkooda ku lahaayeen. Waxaan xusaynaa mar waliba guulihi ay gaareen iyo halgamayaashi naftooda u huray.
Iyadoo halganka madaxbannaanida dhulka oo dhan uu dhamaystir noqon ayaan waxaa la qabtay shirki Carta ee Jabuuti. Ergada D&M waxay uga qayb galeen shirka iyagoo wakiil ka ha dadkooda iyadoo duruufo badan ay jireen. Haddana waxay nalatahay inay habboonayd in D&M ay ka qayb qaataan wax waliba ee dan soomaaliyeed lagu raadinaayo si aan D&M loogu eedeyn inay hor istaageen ama burburiyeen wax horumar ka dhalan kari lahaa.Waxaan la soconnaa goŽaanki ka soo baxay, waxyaabihi lagu dajiyay shirka, qaabki wax loo dhisay. Waxay D&M ka qaateen qaybtooda kaga aadanayd intii shirka uu socday oo dhan. Haddana markii uu shirka uu dhammaaday oo laga soo laabtay waa mid habboon in miisaan la saaro wax waliba ee shirka ka soo baxay.
Waxaana habboon in la is weydiiyo habka wax loo dhisay ma mid hirgali karaa mise maya? Annagoo dib u raacayno taariikhda iyo heerarki kala duwanaa uu dhulkaas iyo dadkiisa ay soo mareen, ma ka qayb qaadan karnaa qaabkaas wax loo dhisay?
Waxay nala tahay in qof waliba oo Soomaali ah uu jecel yahay in dib loo soo nooleeyo qarannimada soomaaliyeed ee burburtay oo loo helo dawlad loo wada dhan yahay iyadoo mar waliba laga faaŽiidaysanayo taariikhda iyo waayo-aragnimadeeda.
Sidaas daraadeed annagoo ku hadlayno magaca jaaliyadda, waxaan ku dhawaaqaynaa in ay suurta gal ahayn in aan ka qayb qaadan dawlad hal xarun laga maamulo oo aanay ahayn mid meel mar noqon karto. Waxaan taageer sanahay inay midnimada soomaaliya ku abuurmi karto oo kaliya in hab federaal(isutag) ah lagu saleeyo dhismaha dawlad kasta ee la dhisaayo. Waxaan shaki ku jirin in ay Soomaaliya weligeed burburi lahayn haddii waagii hore la qaadan lahaa fikradda federallka ee D&M. Waa mid aad looga murugoodo in waagaas ay Soomaalida ka hoos baxday fursadas markaasna waxaa nagu dhexjiray oo na dagay gumeystihii.
Jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee Iswidhan waxay aad ugu faraxsan yihiin in maamul madax bannaan ay yeeshaan dadka u dhashay D&M oo hubaal ah in horumar la taaban karo lagugaari karo. Waxaan uga digaynaa dhammaan D&M inay maanta ay ka hoos bixin oo aanlagu seexin riyo dhalanteed ah aan suurta gal ahayn oo taariikhda ay beenisay taasoo ah dawlad soomaaliyeed oo hal xarun leh oo laga maamulo sidii gumeystihii uu nagu dagay.
Waxaan kula talinaynaa C/lla Deerow iyo inta la mid ah oo halganka midaysan qayb libaax ka soo qaatay inay hurdada ka toosaan oo sharaftii ay lahaayeen iska qaadin oo dakooda dhinac ka soo raacaan.Waxay ugu dambeystii jaaliyadda mahad ballaaran u celinaysaa culummada diinta, malaaqyada, odayaasha, haweenka, dhalinyarada, aqoonyahannada, siyaasiyiinta ee D&M oo aad u fahmay maslaxadda dadkooda iyo dhulkooda oo goŽannka cad ka qaatay iyagoo midaysan in maamul madaxbannaan loo sameeyo D&M.Waxay Jaaliyadda u caddeeynaysaa in dawlad loowada dhan yahay ay ku imaan karto in gobol waliba la siiyo xaq uu taladiisa u leeyahay oo kaddib loo baahan yahay in la dhiso mid kale ee ka wada dhaxeeyso oo federaal ah.
Waxaan aad iyo aad u cambaaraynaa foolxumadii ka dhacday magaalada Tiyeeglow taasoo ahayd mid xad gudub lagu sameeyay xaqa iyo xurmada dadka Digiliyo Mirifle. Jaaliyadda waxay aad iyo aad ugu dadaalaysaa sidii ay qayb libaax uga qaadan lahaayeen dib u dhisidda gobollada hadda madax banaan si aan u taakulayno dugsiyada iyo rugaha caafimaadka ee qaawan.
Maxamuud M. Eenow,
Guddoomiyaha Jaaliyadda
(Somali Inter-riverine Cultural Association in Sweden) ee D&M
This message has been edited by moalen on Jan 18, 2001 6:46 PM This message has been edited by moalen on Jan 18, 2001 6:44 PM
|
| |
|