Cali Khalif Galayr ra'isul wassaraha kooxda CARTA oo gef taarikhi ah ka galay qowmiyadda Digil iyo Mirifle.
BAYDHABO Jan 16, 2001 (BP)- Cali Khalif Galayr ayaa todobaadkan mar uu wareeysi siiyay wakaaladaha waraka isaga oo ka qeybglayay shirkii UN ta sheegay kuna eedeyay in ay Itoobiya rabto in ay maamul goboleed la magac baxay Koonfur Galbeed caasimadiisuna ay tahay magaalada BAYDHABO ay ka dhisto koonfurta Somaaliya.
Waxaa ay dad badan shegeen in hadalka uu ku hadaly Cali Khalif uu gef iyo meel ka dhac ku yahay qowmiyada Digil iyo Mirifle taas oo la sheegay in ay muujinayso jaahilnimo Cali Khalif ka haysata taarikhda qowmiyada Digil iyo Mirifle iyo halgan koodi nus qarniga ahaa ee ku saleysana helitaank maamul goboleed ku dhisan habka Federaaliga ah si ay aayahooda uga tashadaan.
Halganka sidaa u dheer wuxuu muujinaya in maamul kasta oo loo sameeyo Koonfurta Somaaliya in uu ka yimid rabitaanka shucuubta ku nool degaanka, taarikhdaas qoran waa mid markhaati ugu filan qof kasta in ay Itoobiya wax shaqo ah ku lahayn maamul goboleed loo sameeyo koonfurta Somaaliya iyo sidoo kale in uu san qofna been ka sheegi karin sida Cali Khalif Galayr uu isku dayey, waxaa kale oo dad kale ay qabaan in Cali Khalif aysan arintan jaahilnimo ka ahayn balse ay tahay xaqiraad uu xaqirayo qowmiyada Digil iyo Mirifle.
Si kastaba ha ahaato waa arin cadeynaysa in aysan waxba iska badalin fikirka iyo khiyaanada siyaasiyinta Somaaliyeed ee noca Cali Khalif oo kale ama faciisa ah, waa wax dhaco markii ay ummad madax ka dhigato kuwii shaly dhacay oo khiyaamay ummadda Somaaliyeed (Corrupt Leaders) waxaa Cali Khalif uu ka mid yahay raga aan ka xishoon in ay damacaan in ay mar kale hogaamiyaan ummadda Somaaliyeed isaga oo og in ay isaga iyo rag kale oo la mid ah ay horey ugu fashilmeen wixii ay xadi kareena ay ka xadeeen qaranka Somaaliyeed.
Hadaba khaladka uu Cali Khali ka galay qowmiyada Digil iyo Mirifle, waa mid uu baahan in lagula xisaabtamo, xubnaha sheegta in ay u mathalaan beelaha Digil iyo Mirifle baarlamaanka Kooxda CARTA waa in ay ka dacwodaan gefka uu Cali Khalif ka galay qowmiyada ay mathalaan lana fura (Inquirey) waa hadii uu baarlamaanku yahay baarlamaan aan magac uun sidan.
(BAYDHABO PRESS) |