Md. Abdullahi Yusuf Axmed oo ka qeyb galaya shirka loogu dhisayo dowlad goboleedka koonfurta Somaaliya.
BAYDHABO Jan 22, 2001 (BP)-Madaxweeynaha Dowlada Federaalka ee Puntland Md. Cabdullahi Yusuf Axmed oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada BAYDHABO ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo guddomiye ku xigeenka 1aad ee Ururka RRA Md. Sheikh Aadan Maxamed [Madoobe] guddomiyaha gobolka Bay Md. Maxamed Cali Aadan [Qalinle]Madax sare oo ka tirsan Ururka RRA iyo dadweeynaha magaalada BAYDHABO, Madaxweeynaha iyo wafdigisa ayaa la sheegay in ay u baxeen dhinaca degmada Ceel Berde oo uu ka dhacayo shirka lagu soo dhisi doono Dowlada Federaalka ee Koonfur/Galbeed Soomaaliya.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa kale oo si isdaba jooga ah u soo gaaraya wafuud aad u tiro badan oo ka kala imaanaya gobolada Koonfureed ee Soomaaliya isuguna jira hogaamiyeyaal siyaasadeed, Malaaqyo, Salaadiin iyo Haween si ay uga qeyb galaan shirka lagu dhisayo dowlad goboleedka ay u dhan yihiin gobolada Bay, Bakool, Gedo, J/Dhexe, J/Hoose iyo Sh/Hoose.
Waxaa horay magaalada Baydhabo u soo gaaray General Cumar Xaaji Masale iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka koobanaa 10 qof iyaga oo ka soo degay gegida dayaaradaha ee Baydhabo, wafdiga Cumar Xaaji waxay ka dib u ambabaxeen degnmada Ceel Berde . Wararka ka imanaya Kismayo ayaa sheegaya in magaalada ay xiisad ka taagan tahay ka dib markii uu Cumar Xaaji si lama filaan ah go'aan ugu gaaray inuu ka qeyb galo shirka Baydhabo.
(BAYDHABO PRESS)
This message has been edited by moalen on Jan 22, 2001 5:53 PM
|
|