--

 Return to Index  

Jen. Maxamed Abshir "Col. C/llaahi Yuusuf dadka Puntland ayaa si dimoqraadi ah ugu doortay

January 22 2001 at 6:04 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Jen. Maxamed Abshir oo saxaafada u waramay ayaa sheegay oo yiri "Col. C/llaahi Yuusuf dadka Puntland ayaa si xaq ah, si sharci ah oo dimoqraadi ah ugu doortay. Maamulka Puntland isaga ayaa hadda madax u ah. Muddo mucayin ah ayaa mandate-kiisu ku eg yahay.
Annaguna waxaa na lagu doortay shirweynihii Soomaaliyeed, waxaana haysannaa mandate international ah. Marka, waxaa xuduud.

Annagu xuduudkiisa u dhaafi mayno [kii heerka gobol ahaa] isaguna waxaannu ka filaynaa inuu xilka Qarameed ee na saaran sidaas noogu xurmeeyo. Annagu waxaan rajeynaynaa in markaan howshan dhameysanno aan dalkii dib ugu laabanno, C/llaahi-na aan wargelinno inaanu soo soconno, dabadeedna waan la kulmi doonaa, waxaana rajeynaynaa inaan is afgarad ku wada shaqeyn doono heer gobol iyo heer Qaran intaba.

Jen. Abshir: Markaan C/llaahi Yuusuf kula xiriiray Nayroobi waxaa socday shirkii Carta, waan ka wada hadalnay inuu ka soo qayb qaato geeddi socodka nabadda. Aniga iyo C/llaahi ilma adeero baanu nahay. Muddo dheer ayaan xiriir lahayn ilaa iyo intii aan garaadsannay. Waan is naqaannaa. Wuxuu i xurmeeyaa, anna waan xurmeeyaa. Marka waxaan anigu markaa daneynayey inaan isu sheegno meesha wax marayaan iyo inuu shirka ka soo qayb galo. Soomaali maanta qasaare ku filan way gaartay. Nabad iyo nolol ayay u ooman tahay, una gaajoon tahay. Waxaan C/llaahi ku iri; odoyaasha Soomaaliyeed ayaad ka mid tahay, dhidibadii ugu waaweynaa ee Qaranka Soomaaliya midkood ayaad madax u tahay noo kaalay aannu is waraysannee, kala war boggannee, wada tashannee, dabadeedna wixii xaq ah oo aan Soomaali weyn ku leennahay si wadajir ah adoo na horkacaya aannu u doonano. Wixii waajib ah oo Qarannimada Soomaaliya naga saaranna aan si wadajir ah u gudanno. Sidaas ayaa xiriirkeenna u sabab ahaa.




    
This message has been edited by moalen on Jan 22, 2001 6:06 PM


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement