--

 Return to Index  

Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] iyo wafdigiisa oo maanta ku soo laaban doona Baydhabo

January 22 2001 at 10:33 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta ku soo laaban doona Baydhabo.

BAYDHABO Jan 23, 2001 (BP)- Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] guddomiyaha Ururka RRA ayaa lagu wadaa in ay maanta ka soo degaan garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo.

Wafdiga ayaa waxaa la sheegay in ay soo dhaweyn doonaan madaxda Ururka RRA, guddomiyaha gobolka Bay Md. Maxamed Cali Aadn [Qalinle] General Aadan C/laahi Nuur [Gebyow] General Maxammed Saciid [Moorgan] iyo dadweeyne aad u tiro badan.

Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] Madaxweeynah Dowlada Federalka ee Koonfur Somaaliya iyo wafdigiisa ayaa la sheegay in ay u sii gudbi doonan degmada Ceelberde ee gobolka Bakool oo uu haatan ka socdo shirka loogu gogal xaarayo dhismaha Dowlad goboleedka Fedraaliga ee Koonfurta Soomaaliya ee lagu dhawaaqi doono maalmaha soo socda.

Shirka oo shalay furmay ayaa waxaa shir guddomiye loogu doortay Md. Sheikh Aadan Maxamed Nur [Madoobe], waxaa magaalada Baydhabo weli si xad dhaaf ah ugu soo qulqulaya ergooyin ka kala yimid gobolada Shabeelaha Hoose, Jubada Hoose, Jubada Dhexe, Bay, Bakool iyo Gedo ergadaas oo sheegtay in ay u yimaadeen si ay uga qeybgalaan dhismaha Dowalada u curanaysa dadweeynaha ku nool degaanada Koonfurta Soomaaliya.

(BAYDHABO PRESS)





    
This message has been edited by moalen on Jan 22, 2001 10:41 PM


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement