--

 Return to Index  

Fulay ulo badanaa waxaan la yabaa reer Cabdiqaasim maxay ka damacsan yihiin Soomaaliya.

January 26 2001 at 9:51 AM
F. Daadeey 

 
Fulay ulo badanaa Waxaa ah wax lala yaabo waxa dhabta ah ee reer C/qaasim ay ka damacsan yihiin Soomaaliya!

Bilowgii dagaalka sokeeye waxay inoo sheegeen in maamulka Bare oo ah mid ku xadgudbay xuquuqda ummadda Soomaaliyeed loo baahanyahay in meel looga soo wada jeesto oo la rido.

Waxaan ridnay Bare waxay farta noogu fiiqeen waxay ugu yeereen FAQASHTA(DAAROOD) in loo baahan yahay in looga hor tago iyadoo la adeegsanaayo magaca SAMAALE (INTA KA SOO HARTAY DAAROOD) kolkii aan guul ka gaarnay ayaa hadana waxay inoo sheegeen in halgankii uu ka socon la'yahay ABGAAL loona baahan yahay in loo sameysto Isbahaysi wax ka qabta waxaan samaynay SNA waxaa lagu qaad qaaday ABGAAL ilaa la gaaro in ay burburto XAMAR, KUWEYT yare (MARUUSADE) waa laga talaabsaday oo maalin quraa laga yeelay waxaa wadanka soo gaaray oo gurmad ahaan u yimid ADUUNWEYNAHA

Janaral WAAW ayaa arkay in loo baahanyahay in lala dagaalo Gurmadka ka yimid Caalamka wuxuu inoo geliyay madaxa wixii naga gaaray na gaar, halgankii ayaa weli taagan waxaa la sheegay in Xawaadle ay heleen hanti misna dhiseen Maamul deegaaneed, WAAW waa qasaaye ee wuxuu ku duulay B/WEYNE qabsadayna taasi oo ugu dambayn sagaal bilood qaadatay in laga xoreeyo.
Waxaa aad u shaqeeyay Maamul goboleed ay dhisteen DIGIL iyo MIRIFLE waxaa soo nuurtay Caasimada BAYDHABO, wuxuu duulaan cad ku qabsaday Baydhabo wuxuuna sheegay in uu booqanaayo oo kaliya Dhac, Dil ,Kufsi, Cagajuglayn iyo Barakicin ka dib waxaa soo baxay RRA tani waa halkeeda ee WAAW wuxuu arkay Walaalkiis CAATO walee WAAW baan walaal aqoonin wixii ka raacay No4 na waa loo soo joogay ugu dambayn WAAW waa jiitay oo xabadbaa xabadka u fariisatay oo laabta ka salaantay WAAW jiidayoo WIILKII (GEEDBA DHEECAANKIISUU DHALAA) ina WAAW,WAAW yare wuxuu sii waday wadadii uu WAAW ku lumay,RRA waxay soo hor istaagtay Dulmigii Mr WAAW iyo WAAW yare ilaa ay ka gaarto guul WAAW yare wuxuu ku duulay KISMAAYO waa yaabe muxuu ka doonay?

Fadhi ay wada galeen gudiga Habargidir ayaa waxay isku raaceen in halgankooda uu ku dhamaan rabo meel cidla ah si loo nooleeyana waa in loo howl galaa soo noolayntiisa waxaa shirkaasi lagu go'aansaday in la kala qaybsado dhulka ay haysato Beesha si ay qolo waliba u haysato sadkeeda ay ku yeelatay halganka.
Taasi ma noqon mid daboosha baahidii Beeshu ay qabtay isku dhacyo ka dib waxaa la gartay in la bedelo wajiga haysashada dhulka loona bedelo DIIN si loo sii haysto dadka masaakiinta dhulkooda aydoo loo sheeganaayo DIINTOODA taasi oo ayaga ay aad ugu dhaartaan oo ay u rumaysanyihiin halka kuwa sheegaayo inay wax ku maamulayaana ay yihiin kuwo Afka ka sheegta oo u Adeegsada DIINTA in ay kusii waaraan Dhulka.

Dareen laga dareemay dadka lahaysto inay fahmeen waxa meesha jira ayaa waxaa la isla gartay in la bedelo wajigan oo la raadiyo waji kale oo lagu soo celiyo Haybada Beesha. AQOON YAHAN, GANACSATO iyo WADAADADA reerka waxay isla arkeen in loo baahanyahay in la isu geeyo AWOODA reerka si looga hortago SOOMAALIda oo soo fahamtay waxa BEESHU ay wado waxaa lagu cararay Ismaaciil Cumar Geele waxaana loo bandhigay in uu badbaadiyo BEESHA kuna bedesho Dhaqaale tii waa ay hirgashay oo waxaa la soo dhoodhoobay Maamul Beeshu ka tahay Madax-weyne maalmo ka dib waxaa la arkay in ay sooba fatahayso Caadadoodii taasi oo markiiba ay keentay in loogaga baxo maamulka. Hadaba waa yaabe BEESHA yaa u haray???!!!Lama yaqaanee iyadaan u daynay.


F.DAADEEY



    
This message has been edited by moalen on Jan 26, 2001 9:53 AM


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement