--

 Return to Index  

CABDIQAASIM OO HUB CULUS IYO SAANAD MILATERI KA SOO IIBSANAYA DALKA YUKRAYN.

January 26 2001 at 10:02 AM
BAYDHABO PRESS 

 
CABDIQAASIM OO HUB CULUS IYO SAANAD MILATERI KA SOO IIBSANAYA DALKA YUKRAYN.

Hargeysa Jan 26, 2001(Jam)-Kooxda uu madaxda ka yahay C/qaasim Salaad Xasan ee lagu dhisay shirkii Carta, ayaa sheegay inay hubka culus iyo saanad kale oo militeri ka soo iibsanaya dalka Ukrain oo ka mid ah Jamhuuriyadaha dalweynihii midowga soofiyeeti ee burburay.

Sida ay sheegayaan ilo xogogaal ah, Ex Gen. Maxamed Nuur Gallaal oo madax ka ah malleeshiyada kooxda Carta, ayaa hada socdaal ugu maqan dibadda waxaana la sheegay in dalka Ukrain ka soo iibinayo Tawaangi, hore kooxdu uga dalbadtay. Lama oga tirada tawaangida uu Galaal soo iibinayo, iyo qiimaha ay ku kacayaan.

Isla markaana waxa uu C/qaasim dhowaan Muqdisho ka magacaabay guddi qiimaysa hubka maleeshiyooyinka iyo beelaha Muqdisho ay haystaan, oo bilabay inuu ka iibsado ciddii doonaysa inay hub-iibiyaan, taas oo aan wax sidaas ahi ka hirgalin.

Hubkan la sheegay in Gen. Galaal ka soo iibinayo Ukrain, waxa hadda ka hor carrabaabay hogaamiye kooxeedka Suudi Yalaxow, oo waraysi uu siiyey idaacada ku haddasha Af-Soomaali oo dalka Sweden ah todobaadkii hore ku sheegay in C/qaasim iyo kooxdiisu ay hadda hub ka soo iibsanayaan Ruushkii burburay, balse ma magacaabin dalka uu yahay.

Hubkan waxa kale oo la sheegay in kooxdu damacsan tahay inay ka soo dejiyo dekedda Kismaanyo oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyo ay isku beel yihiin Cabdiqaasim.


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement