Suldaanka Toddobada Aw-Digil ee Afgooye oo loo caleemo saaray Suldaan Sheekh Cabdi Sheekh Yuusuf. Ibraahim Maxamed Cali (Iima)
Afgooye Jan 25, 2001 Arlaadi News -Maalintii shalay ahayd ayaa isu soo bax aad u ballaaran wuxuu ka dhacay degmada Afgooye waxaana isu soo baxaas ka qayb galay culumaa'uddiin, waxgarad, nabaddoonno, dhallinyaro haween ka tirsan deegaanka Afgooye, waxaana lagu caleemo saarayey Suldaanka Toddobada Digil ee deegaanka Afgooye, waxaana loo caleemo saaray Suldaan Sheekh Cabdi Sheekh Yuusuf.
Ibraahim Maxamed Cali (Iima) oo ah Afhayeenka suldaanka oo u warramayey warfaafinta ayaa wuxuu ku dheeraaday taariikhdii Suldaannimada Toddobada Aw-Digil iyo shuruudaha laga doonayo qofka noqonaya suldaanka.
Ibraahim Maxamed wuxuu sheegay in Suldaan Sheekh Cabdi Sheekh Yuusuf uu buuxiyey dhammaan shuruudihii laga doonayey ee Suldaannimada Toddobada Aw-Digil.
Suldaan Sheekh Cabdi Sheekh Yuusuf waa suldaankii 23-aad, markii la caleemo saarayeyna waxaa ku tufay oo afar faataxo u akhriyey dhammaan beelaha ku dhaqan deegaanka Afgooye, markii uu soo gaaray gurigii loogu tala galay ayaa waxaa lagu fariisiyey jiimbaar dhererkeedu gaarayey 170, markii uu soo socdayna waxaa dhinacyada ka socday labo dhallinyaro oo la kala yiraahdo.
Aweys Sheekh Abuukar iyo Geebaar Geeddi Xuseen oo iyagana ka mid ah bahda saldannada.
Suldaan Sheekh Cabdi Sheekh Yuusuf wuxuu xirnaa labo go' oo cadcad, waxayna labadaasi go' ay ahaayeen kuwii lagu caleemo saaray aabbihii 25 sano ka hor.
(BAYDHABO PRESS)
This message has been edited by moalen on Jan 26, 2001 10:06 AM
|
|