--

 Return to Index  

Dacwad Loo Heysto Madaxa Barnaamijyada Laanta Af-Soomaliga ee BBCda Yusuf Garaad Cumar

February 3 2001 at 1:03 AM
BAYDHABO PRESS 

 
Dacwad Loo Heysto Madaxa Barnaamijyada Laanta Af-Soomaliga ee BBCda Yusuf Garaad Cumar

Arlaadi News Janaayo London,31,2001- Wararka ka imaanaya magaalada London,ee dalka Ingriiska waxaa ay sheegayaan in ay soo shaac baxday dacwad loo heystay Yusuf Garaad Cumar oo ah madaxa barnaamijyada laanta Af-Soomaliga ee BBCda,waxaana dacwadaas ku soo oogay qaar ka mid ah shaqaalaha uu madaxda u yahay ee BBCda, waxeyna ku dacweeyeen Wilson Company oo ah Qareeno shisheeye, isla markaasna ah hey'ad u dooda xuquuqda Soomalida oo fadhigeedu yahay London, qaar ka mid ah qareenadaas Wilson Company waxey ka qeeb galeen Shirkii Jabuuti.

Yusuf Garaad waxaa lagu heystaa inuu awooda uu leeyay si qaldan uu u isticmaalay, waxyabaha uu sameeyay waxaa ka mid ah inuu qaar kamid ah shaqaalaha uu shaqada ka fadhiisiyay,qaar kale ka wareejiyay barnaamijyadii ay wadeen, qaar kale ka dhigay shaqadood mid aan joogto aheyn. Part-time ama temporary. Warar lagu kalsoon yahay waxey sheegayaa in Yusuf Garaad uu caburiyo dadka la shaqeeya qaarkood ee uu u arko ineysan isku aragti aheyn, qaarkalena wuxuu siiyay fursado si ay horay ugu socdaan, dacwadahaas iyo qaar kale ayey hordhigeen Wilson Company.

Markii loo gudbiyay eedeyntaas ayuu wuxuu yiri waxba ka ma jiraan, markuu arkay in arinta ay gaartay xag sharci iyo waxyaabihii lagu heystay oo cad iyuu isagana qabsaday qareen difaaca.

Run ahaantii arintaas ma aha tii ugu horeysay ee uu sameeyo, dad ay isugu jiraan aqoonyahano iyo indheergarad ayaa horey ugu digay sida xun ee uu u isticmaalo idaacada BBCda, aqoonyahanada iyo indheergaradyada waxey horey u arkeen inuu u xagliyo dhinaca Dowlada KMG, waxeyna ka codsadeen inuu dhexdhexaad ahaado, isla markaasna fursad siiyo Soomaalida oo dhan , isagoo isku kalsoon ayuu afbuuxa ku yiri mucaaradka boos ugama banaano BBCda, taas oo ay u arkeen inuu BBCda u isticmaalay warbaahin u shaqeysa isaga siduu raba ka yeeli karo.

Yusuf waxaa ay qaraabo dhaw yihiin Md.C/qaasim waa nin dhalinyaro ah aad u shaqo badan.Wararku waxaa ay sheegayaan inuu ka shaqaaleeyay halkaas dad isaga qaraabo yihiin oo tiradooda gaaraya ilaa iyo 6 ruux kuwa kale oo ay qaraabo yihiina waxaa u diray magaalda xamar si ay laantan ugu soo gudbiyaan warar xadidan oo u janjeera meesha uu sida aadka ah uu u taageero.

Yuusuf marna ma ogola inuu u diro wariye ka soo warama Gobollada Soomaliya qaarkood gaar,ahaan Bay iyo Bakool ama guud-ahaan dhulka Digil& Mrifle, xamarna waxaa uu ka sameeyay Cidaacad isaga iska leh oo lagu magaacaabo Radio Banadir oo waliba hadda ku tala jiro inuu u sameeyo hirarka gaagaaban, taas oo hadda ku shaqeeysa FM.ka

Yuusuf waxaa uu aad u taageera Jaraa,idka ka soo baxa xamar sida Qaran. Ayaamaha, Xoog-ogogaal kuwaas oo wax ka qora waxaa uu isaga rabo isla markaana had iyo jeer ka been abuura wararka Soomaalida kale sida Dhulka Digil & Mirifle.

Dhammaanteen waxaan wada dhowriddoona wixii ku soo kordha arintan xiisaha leh ,waxaan ku dadaaleynaa inaan idin soo gudbino xaqiiqda iyo sida ay ku dhamaato arintaan.


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement