HUB AY SOO IIBSATAY DOWLADDA KMG AH OO KU SOO FOOL LEH MUQDISHO 02 Feb 2001 at 11:00
(SomaliNet) Hub ka kooban noocyo kala duwan oo sarkaal ka tirsan dowladda KMG ah uu ka soo iibsaday dalka Ukraine oo ka mid ahaa dalweynihii burburay ee midowga Soofiyeeti ayaa la xaqiijiyey inuu maalmaha soo socda ku soo fool leeyahay Magaalada Muqdisho isagoo saaran markab weyn oo laga leeyahay dalka Ukraine.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in Lacagta lagu soo gaday hubkaas ay bixisay dowladda Liibiya, iyadoo wararku ay sheegayaan in hubkaas loogu tala galay in Millateriga Soomaaliya ay kula dagaallamaan Itoobiya. Kooxo ka tirsan maliishiyooyinka Waqooyiga Muqdisho oo qaarkood ay taageersan yihiin dowladda ku meel gaarka ah ayaa wada isu diyaarin ay rabaan inay kula wareegaan hubkaas la sheegay inuu ku soo fool leeyahay dekedda Ceel Macaan ee Waqooyiga Muqdisho.
Maxamed Muxiyaddiin Cali - Muqdisho
This message has been edited by moalen on Feb 3, 2001 1:28 AM
|
|