--

 Return to Index  

Qoraal aan ka helnay afhayeenka Ururka SNF, Xassan Nuur Sugule oo la xiriira dagaalkii Garbahaarey

February 3 2001 at 1:09 AM
BAYDHABO PRESS 

 
BAYDHABO Feb 3, 2001 (BP)- Waraaq aan ka helnay afhayeenka Ururka SNF, Xassan Nuur Sugule ayaa waxaa uu kaga hadlay dagaal shalay galab ka dhacay magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo, qoraalki uu noo soo diray Xasan Nuur sidan ayuu u qornaa:


UJEDDO: JAB LOO GAYSTAY KOOXDA CARTA

Shalay galab saacaddu markay ahayd 06:43 ayey kooxda Carta oo adeegsanaysa 21 tikniko ah weerar kusoo qaaddeen magaalada Garbahaarrey, weerarkaas waxaa hoggaaminayey Col: Diiriye Xirsi Cali. Kaddib dagaal qaraar oo socday illaa 08:23 fiidkii, waxaa noo suura gashay inaan jebino kooxda Carta, halkaa waxaan kaga qabsanay 6 tikniko ah, iyadoo halkaa ay ku naf waayeen 14 qof: 10 ah kuwii dagaalka soo qaaday, 2 ah ciidamada SNF, IYO 2 qof oo rayid ah; sidoo kale waxaa halkaas ku dhaawacmay Col. Diiriye Xirsi oo watay kooxdaas soo weerartay magaalada, waxayna u baxsadeen magaalada Baardheere, inagoo hadda ku raad joogna.


Hassan Nuur Sugule
AF-HAYEENKA URURKA SNF






 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement