--

 Return to Index  

Saraakiil ka socota Jamciyadda Qaramadda Midoobay oo boqasho ku soo gaaray magaalada Baydhabo.

February 6 2001 at 4:21 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Saraakiil ka socota Jamciyadda Qaramadda Midoobay oo boqasho ku soo gaaray magaalada Baydhabo.


BAYDHABO Feb 6, 2001 (BP)- Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ergayga Jamciyadda Qaramadaa Midoobay u qaabilsan arimaha Somaaliya gaar ahaan dhinaca horumarinta Mr. Randolf Kent iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa boqasho sadex maalmood ah uga bilaabatay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Mr. Kent waxaa inta uu joogo mgaalada Baydhabo uu kulamo gooni gooni ah la yeelan doona madaxada gobolada hoos imaada maamulka RRA, iyo madaxda ururada UN ka ee ka howl gala goboladaas.

Guddomiye ku xigeenka 1aad ee Ururka RRA ahna ku simaha Guddomiyaha Ururka RRA Md. Sheikh Aadan Maxamed [ Madoobe ] ayaa xalay martiqaad casho ah ugu sameeyay xaruunta gobolka xubnaha wafdigaas. Mr. Kent oo ka hadlay cashadaas ayaa uga mahad celiyay maamulka RRA sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna sheegay in maamulka RRA uu u qabtay dadkooda iyo degaan kooda shaqo aad u wanaagsan oo amaan mudan, wuxuu kalo sheegay in mudada uu joogo uu kala hadli doono mas'uliyiinta goboladaan mashaaricda horumarinta ee sanadka 2001.


(BAYDHABO PRESS)



 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement