--

 Return to Index  

Shirkii Wada Tashiga ee Qowmiyadda Digil & Mirifle oo Guul ku Dhamaaday

February 10 2001 at 9:39 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Shirkii Wada Tashiga ee Qowmiyadda Digil & Mirifle oo Guul ku Dhamaaday


Arlaadi News BAYDHABO 10ka Febraayo- Waxaa maanta soo gebageboobay shir looga hadlayey aayaha Digil & Mirifle ooay ka soo qeyb galeen masuuliyiinta RRA iyo jaaliyadaha D&M ee Amerika, Kanada, Yurub, Australia, Bariga Dhexe iyo Afrika. Shirkaas oo loo adeegsaday qalabka teleefoonka ee loo yaqaan tele-conferencing waxaa furitaanka shirka aayado Quraan ah ka soo jeediyey Sh. Maxamed Dhaqane (Sydney).

Ka dib waxaa loo guda galay ajendaha shirka iyadoo xiriiriye ka ahaa A/qadir Abuu. Shirkani oo ahaa kii ugu horeeyey ee noociisa ah socdayna mudo 2 saac iyo bar waxaa ugu horeyntii warbixin ka soo jeediyey Guddoomiye ku xigeenka RRA Md. Sh. Aadana Maxamed [Madobe] oo ka hadley xaalada guud ee deegaanada RRA ka taliso, dhibaatooyinka hor yaal iyo diyaargarowga loogu jiro dhisida maamul goboleed. Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Bay Md. Maxamed Cali Aden (Qalinle) oo soo jeediyey warbixin ku saabsan waxqabadkii RRA iyo horumarka ilaa iyo hadda laga gaarey dhanka nabadgelyada, dayactirida ceelasha, horumarinta caafimaadka iyo waxbarashada.

Shirkaasi waxaa laysku weydaarsady afkaaro badan oo ku wajahan sidii loo adkeyn lahaa midnimada qowmiyada D&M isla markaana looga horumarin lahaa dhan dhaqaale, bulsho iyo dhan siyaasadeedba iyadoo laga shidaal qaadanayo dhibaatooyinkii ay bulshada D&M ay soo martay.

Dood dheer ka dib ka qeyb ka-gayb galayaasha shirka waxay balanqaadeen in deeq maaliyadeed u fidin doonaan maamulka RRA sida ugu dhiqsiyaha badan si loogu hirgeliyo mashaariicda haatan ka socda deegaanka. Waxaa kaloo laysku waafaqay in loo saaro guddi isku xiriiriya jaaliyadaha D&M iyo maamulka gudaha. Indheergaratada waxaa lagu booriyey inay kaalintooda ka qaataan sidii loo horumarin lahaa qowmiyada.
Gebabadii shirkaas waxaa hadalo guubaabo ah iyo mahadnaq ka soo jeediyey ku simaha gudoomiyaha ahna gudoomiye ku xigeenka RRA Md. Sh. Maxamed Madoobe.


Source: (Arlaadinet)



    
This message has been edited by moalen on Feb 11, 2001 5:54 PM
This message has been edited by moalen on Feb 11, 2001 5:50 PM


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement