--

 Return to Index  

Inj Munye Saciid Cumar iyo Cabdiqaasim Salaad Xasan oo kala saxiixday heshiis Qarsoodi ah.

February 17 2001 at 11:50 AM
BAYDHABO PRESS 

 
From: "Abukar Xaaji" <abukarxaaji@hotmail.com>
To: baydhabopress@hotmail.com Save Address


Subject: Inj Munye Saciid Cumar iyo Cabdiqaasim oo kala saxiixday heshiis Qarsoodi ah.

Date: Mon, 12 Feb 2001 12:13:39 -0000

Inj Munye ïyo Cabdiqaasim ayaa waxay kalasaxiixdeen heshiis qarsoodi ah iyadoo aan hehiiskaas lala socodsiin Cali Khaliif, heshiiskaas ayaa wuxuu qorayaa in Inj Munye uu ka taakuleeyo kooxda carta ciidamada ay soo dhisanayaan dhinaca saadka isagana loo oggolaado inuu weli sii maamulo maraakiibta uu gacanta ku hayo.

Arrintan ayaa waxay soo shaac baxday kadib markii Cali khaliif uu udiray dalka yaman wafdi uu hogaaminay ninka ay u magacawdeen wasiirka kaluumeysiga Maxamed Nuuraani Bakar, kadib markii isaga iyo munye ay wada kulmeen oo uu u sheegay in uu kasocdo dhinaca Cali Khaliif ayaa wuxuu Munyena u sheegay in ninka ka sareeya Galeyr oo ah Ina salaad Booy uu u magacaabay xilkan cusub isla markaana dowladda Yemen lagu wargeliyay magacaabiddisa.

Haddaba aan isweydiino Inj Munye waa nin ceynkee ah? maaddaama uu yahay nin muddadii ugu dambeysay sheeganayay inuu yahay Nin digil ah islamarkaana matalaqowmiyadda Digil iyo Mirifle.
Run ahaantii markaan la sheekeystay dadka yaqaan Munye waxay ii sheegeen in Munye inkastoo uu ku dhashay kuna barbaaray degaanada digil oo ah degmada Baraawe inuusan ka mid ahayn qabaailka lagu yaqaan degaankaas ee loo yaqaan Shangamaas iyo todoba tol.( Tunni Hatimi iyo Biiddah)oo iyagu ku abtirsada todobada aw digil.

Hase yeeshee marka uu leeyayhay waxaan ahay nin digil ah kama aha daacadnimo ee markaas danihiisa ayaa ku qasbayay inuu sheegto digil.Sida dad badani ka warhayaan markii uu socday shir ku sheeggii carta ,Munye walaalkiis Saciid Mariino isagoo ah guddoomiye ku xigeenka ururka Sanu,oo qayb ahaan lagu daray Otherska ayuu haddana wuxuu ku guuleystay inuu qaldo madaxdii RRA iyo odayaashhii digil iyo Mirifle u joogay shirkaas oo wuxuu yiri waxaan ahay Tunni oo dhaar ku maray sidaasna lagu siiyay kursi ah inuu matalo Tunni.

Kadib markii Mudane Dr. Xasan Maxamed Nuur uu tegey dalka mareykanka oo uu lakulmay Jaaliyadda D/M ee maraykanka ayaa waxay u sheegeen dhagartii ay ku kaceen labadaas walaalaha ah islamarkaana aysan ahayn dad la isku aamino karo ee ay yihiin dad u socda hadba meesha mowjaddu u waddo,wuxuuna Mudane Dr Xasan Maxamed Nuur ballanqaaday inuu markuu laabto uu kaqaadi doono tallabo, jagadana ka qaadi doono, haseyeeshee nasiib wanaag markii Dr Xasan uu oggodaay qiyaanadii caddayd ee dadka D/M loogu geystay shirkii Carta ayuu kalsoonidii kala noqday kooxda Carta.

Haddaba sidaan horey idiinku sheegay maaddama siyaasadda Munye ay tahay hadba meeshii danahaaga ku jiraan raac ayuu maanta wuxuu istusay in ay dantiisu ku jirto raacidda kooxda carta, berri haddii uu arko in kooxdaasi dan ugu jirina waxaan hubaa inuu raaci doono qofkii uu isleeyahay danbaa kuugu jirta, gaar ahaan markuu arko dowlad goboleedka loo dhisayo koonfur galbeed.

Gabagabadii waxaan Munye ku sifeyn lahaa qof aan lahayn mabda iyo siyaasad loogu yimaado, isla markaan uu yahay dagaal ooge qarsoon, Haddii Munye uu yahay nin dïgil ah aan isweydiinee dadkan uu u balanqaaday inuu ka caawin doono ciidamadooda dhanka saadka, ciidamdaas xaggee loogu talagalay in lagu weeraro sow ma ahan degaanada Digil iyo Mirifle ee illaahay ugu deeqay nimcada iyo barwaaqada xag beereed,xagga badda iyo macdanaha kala duwan, nimcadaas oo nin walba oo ka yimid deegaan qalalan oo gaajo ah uusan marnaba ka tegeyn haddii uu arko ama wax ka dhadhamiyo qeyraadkaas.


W.Q. Abuukar Xaaji Cusmaan

 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement