--

 Return to Index  

War Saxaafadeed uu soo saaray Ururka SNF, ka dib markii uu kulan dhexmary dowlada Talyaaniga

February 17 2001 at 11:55 AM
BAYDHABO PRESS 

 
From: "HASSAN NUR SUGULE" <sugule_45@hotmail.com>
To: baydhabopress@hotmail.com Save Address
Subject: WAR LOOGUTALAGALAY SAXAAFADDA
Date: Sun, 11 Feb 2001 11:48:09 -0000

XASAN NUUR SUGULE
AFHAYEENKA SNF
sugule_45@hotmail.com
11/02/2001


Kaddib kulan dhexmaray SNF iyo dawladda talyaaniga waxaan jeclaysanay inaan halkan ka sheegno waxaan kawada hadalnay:

. SHIRKII CARTA

Shirkii Carta wuxuu ahaa mid ay soomaali ku hanweyneyd,nasiibdarro Jabuuti ayaa marin habaabisay iyadoo aan gogosha oo kaliya fidin say sheegtay balse magacawday lagabilaabo madaxwaynaha ilaa ay soo jeedisay raga loo magacaabayo wasiirada.

Wuxuu ahaa shirqool lala damacsanaa dadka soomaaliyeed,nasiib wanaag way fahmeen iyadoo ay tusaale idiinku filan tahay siyaasiyiin tegey Jabuuti kaddibna ogaaday waxa halkaa kasoobaxay inuu ahaa shirqool ay wateen C/qaasim iyo rajiimka Jabuuti kataliya.

. XAALADDA GOBOLKA GEDO

Xaalada gobolka hadda aad bay u wanaagsan tahay, iyadoo dhamaan gobolka uu gacanta ku hayo maamulka SNF marka lagareebo magaalada Baardheere oo hadda ay kasocdaan wadahadalo sidii magaalada dib loogusoo celinlahaa maamulka SNF.

. CIIDAMADA ITOOBIYA EE LASHEEGO INAY JOOGAAN GOBOLKA

Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan gobolka majiraan, waana warar aan sal iyo raadtoona aan lahayn.

Way jireen mar ay ciidamo Itoobiyaan ah soogaleen LUUQ halkaas oo ay saldhig ku lahaayeen kooxo xag-jirayaal ah haseyeeshee waxgaradka magaalada ayaa u sheegay dawladda Itoobiya inay labaxdo ciidamadeeda dadka degaankana ay damaanad qaadayaan amniga dhamaan xuduudaha.

Waxaa haboon in la'ogaado: haddii lala dirarayo ama lala heshiinayo dalalka aynu deriska nahay sida Keenya iyo Itoobiya waa inay noqotaa mid ka timaada dadka deriska la ah.
haddaba kooxda Carta waa inay joojisaa dacaayadaha raqiiska ah.

. SHIRKII CEEL-BERDE

Wuxuu ahaa bilaw wanaagsan, iyadoo dib la isugu soo laabandoono siloo dhiso maamul goboleed; sidoo kale war rajo leh baa nagasoo gaaraya gobolada dhexe sida: HIIRAAN SH/DHEXE IYO GALGADUUD oo sheegaya inay dhisanayaan maamul goboleed.

Waxaan taageersan nahay midnimada soomaaliya iyo nidaamka federaaliga ah.

. ARRIMAHA SOOMAALIYA GUUD AHAAN

Arrimaha soomaaliya waxay marayaan meel aad halis u ah, iyadoo ay ugu wacan tahay kooxda Carta.
Waxaan canbaaraynaynaa:
--Fara-gelinta waddamada JABUUTI,YAMAN,SUUDAAN,IYO LIIBIYA ku hayaan
soomaaliya
--falalka burcadnimo ee kooxda Carta waddo sida:
.dagaalkii Balcad ka dhacay
.dagaalkii Tiyeeglow ka dhacay
.dagaalkii Garbahaarey ka dhacay
.mudaaharaadkii Boosaaso ka dhacay
.lacagta sharci darrada ah ee kooxda Carta soo gelinayso dalka,iyadoo
wararka nasoo gaaraya ay sheegayaan inay dhan tahay $5m;taasoo $2,5m lasiiyay Cabdi Guuled iyo Xasan Abshir si ay ugu qortaan maleeshiyo iyaga ka amar qaata.
--falalka argagixiso ee hadda kusoo biiray soomaaliya ee ay waddo kooxda carta, iyadoo ay kulasoo taliyeen waddamo asal raac ah in laga takhaluso siyaasiinta kasoo horjeedda kooxda carta sida:
.toogashadii afhayeenka SNA
.rag la rabo in la dilo oo ka kala tirsan maamulada SNF,RRA,PUNTLAND
Iyadoo ah wax laga argagaxo.

Waxaan usoo jeedinaynaa umadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto inay is cafiso isuna dulqaadato,iyadoo wax walba lgasoo bilaabayo aasaaka.


XASAN NUUR SUGULE
AFHAYEENKA Ururka SNF


(BAYDHABO PRESS)


    
This message has been edited by moalen on Feb 17, 2001 11:56 AM


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement