--

 Return to Index  

Hogaamiyayaasha Puntland, Koonfur galbeed Somaliya, SNF iyo gobolka Hiiraan oo Canbaareyay

February 17 2001 at 12:05 PM
BAYDHABO PRESS 

 

Hogaamiyayaasha Puntland, Koonfur galbeed Somaliya, SNF iyo gobolka Hiiraan oo Canbaareyay Kooxda CARTA


Addis-ababa Feb 17, 2001 (BP)- War murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen Madaxweeynaha Dowlad goboleedka Puntland C/laahii Yusuf Axmed, Hogaamiyaha Koonfur galbeed Somaaliya Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud], Guddomiyaha Ururka SNF General Cumar Xaaji Masale iyo Guddomiyaha gobolka Hiiraan Xasan Qalaad ayay ku canbaareyn falalka ay kooxda CARTA ku hayso Ummadda iyo dalka Somaaliyeed.

Waxay Hogaamiyaashu war murtiyeedkooda ku sheegeen in Kooxda Carta bilowday in ay dalka guddihis ku sameyso lacago ay ka mid yihiin US, Birta Itoobiya, Shillinka Kenya iyo Shillin Somaali, taaso ayey shegeen khatar dhaqaale gelinaysa dalalka geeska Afrika oo dhan.

Waxaa kale oo ay xuseen in Kooxda Carta ay dalka soo gelisay hub xad dhaaf ah iyaga oo la kaashanay dalka Jabuuti oo la soo marsiiyay hubkaas.


(BAYDHABO PRESS)


    
This message has been edited by moalen on Feb 17, 2001 12:06 PM


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement