--

 Return to Index  

Maliishiyo boobtay Faleebooyin loo waday dad daacuun qaba oo ku dhibaateysan Wanlaweyn

March 20 2001 at 2:19 PM
BAYDHABO PRESS 

 

Maliishiyo boobtay Faleebooyin loo waday dad daacuun qaba oo ku dhibaateysan degmada Wanlaweyn

mic-20-03-2001, Maliishiyo beeleed ayaa 19-kii bishan boobtay in ka badan shan boqoloo xabbo oo faleebbo ah loona waday dad qaba cudurka daacuunka oo ku dhibaateysan deegaanka Wanlaweyn ee ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Faleebbooyinkan waxaa halkaas geysay hay'adda UNICEF, iyadoo cudurka daacuunku si ba'an faraha ugu hayo tuulooyin ka tirsan deegaankaas.Dadka halkaas ku noolna badankood awood uma laha inay helaan faleebooyinka lagu suro qofka uu ku dhaco cudurkaas.



Maxamed Muxiyaddiin Cali

Source: www.midnimo.com




 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement