--

 Return to Index  

JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE DALKA MAREYKANKA OO CAMBAAREYSAY DOWLADDA KMG AH

March 22 2001 at 2:57 PM
BAYDHABO PRESS 

 
JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KU DHAQAN DALKA MAREYKANKA OO CAMBAAREYSAY DOWLADDA KMG AH

Shir ay isugu yimaadeen Beelaha Kablalax Daarood, Gaal Jecel, Sheekhaal iyo Raxanweyn oo ka dhacay Magaalada Washington D.C. oo looga hadlay arimaha Soomaaliya ayaa si kulul loogu cambaareeyay Maamulka KMG ah ee ka jira Magaalada Muqdisho.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Washington waxay ku eedeeyeen C/qaasim in uu dhinac maray ballanqaadkii uu ka hor sameeyay Shirweynihii Carta ayna Ciidamo isaga taabacsan ay xad gudubyo u geystaan Dadweynaha Degan Jubbada Sare iyo Jubbada Hoose.

Jaaliyadda Soomaaliyeed waxay ugu baaqeen C/qaasim iyo Cali Khaliif in ay joojiyaan waxyeelooyinka loo geysanayo Dadweynaha ku dhaqan Koofurta Soomaaliya, kuwaasoo isugu jira Kufsi, dhac iyo Dilba.

Shirka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Washington oo uu Guddoominayay Yaxye Daa'uud waxay dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqeen in ay ka digtoonaadaan hagar daamooyinka ay damacsan tahay Dowladda KMG ah.



Source: Midnimo Information Center


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement