Fadumo Maxamed Xuseen [Faayow] oo ka soo laabatay kormerkii ay ku taktey J. Dhexe
Saakow March 24, (BP)- Wafdigii ay hoggaaminaysay Fadumo Maxamed Xuseen [Faayow] oo baryahaanba kormeerka ku mareyay degmooyinka uu ka koobanyahay gobolka Jubada Dhexe ayaa todobaadkan dib ugu soo laabtay magaalo madaxda gobolka Bay ee Baydhabo.
Intii ay Fadumo boqashada ku kala bixnaysay degmoyinka gobolka Jubada Dhexe waxaa ay la kulantay ururada Haweenka, Duqeyda iyo maamulka gobolka Jubada Dhexe oo si wanaagsan u soo dhaweeyay, Faadumo waxay sheegtay in nabada ka jirta degaanka Jubada Dhexe ay ku amaananyihiin ciidamada RRA ee heeganka u ah difaaca dhulkooda iyo dadkooda, waxay kalo sheegtay in dadka ku dhaqan gobolka Jubada dhexe ay yihiin dad wax so saar leh oo xoogooda ku tabcada beerahooda iyaga oo aan gacan shisheeye wax ka sugin ayna yihiin dad isku filan oo uu Alle ugu deeqay dhul barwaaqo ah.
(BAYDHABO PRESS) |