QAXOOTIGA BEELAHA DIGIL IYO MIRIFLE EE KU SUGAN XAMAR OO LAGU SAMEEYO XADGUDUBYO
Muqdisho March 24, (BP)- Qaxooti aad u tiro badan oo ay Hay'ada u qaabilsan Jamciyada Qaramada Midoobay arimaha qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan UNHCR ku sheegtay in ay dhanyihiin ilaa iyo sadex boqol oo kun 300.00 kana soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa ku dayacdaran magaalada Muqdisho loona geystaa xadgudubyo ka dhan ah baniaadanimada..
Waxay Hay'adu xustay in ay Qaxootigaas yihiin dad laga oo baro kiciyay dhulkoodii iyo beerahoodii, dadkaas oo ay Ha'adu sheegtay in ay yihiin dad ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle ee ku dhaqan gobolada Bay, Bakool, Jubada Dhexe, Jubada Hoose iyo Shabeelaha Hoose.
(BAYDHABO PRESS) |