--

 Return to Index  

Cali khalif Galayr oo todobaadkan waraaq dacwad ah oo isburinaysa u diray golaha amaanka

March 25 2001 at 3:51 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Cali khalif Galayr oo todobaadkan waraaq dacwad ah oo isburinaysa u diray golaha amaanka

Muqdisho March 25, 2001 (BP)- Ra'iisul wasaaraha Maamulka Carta ayaa todobaadkan u diray golaha amaanka waraaq dacwad ah oo isburinaysa kana dhan ah dowlada Itoobiya.

Cali Khalif waxaa warqadii uu qoray oo aad u dheerayd uu kaga hadlay sida uu maamulkisu u arko arimaha iyo xaalada ay Somaaliya ku sugantahay iyo dacwad uu ka gudbiyay dowlada Itoobiya.

Waxaa uu Cali Khalif ka codsaday golaha amaanka in ay Somaaliya ka furtaan xafiis balse wuxuu sheegay in xaalada magaalada Muqdisho oo hada fiican laga yaabo in ay soo xumaato oo ay Itoobiya iyo kooxaha ay wadato ee Muqdisho ku sugan ay falal argagixiso ah ku kici doonaan, arintaan danbe ee Cali Khalif uu qoraalkiisa ku xusay ayaa ugu filan in aysan golaha amaanka xafiis ka furan Somaaliya mustaqbalka dhawo.

Waxaa kale oo isweydiin leh qoraalka sidan oo kale isu burinaya ee Cali Khlaif uu u qoray golaha amaanka ma waxay ka ahayd talo xumo mise lugooyo uu lugoynayo xukumada C/qaasim.


(BAYDHABO PRESS)


    
This message has been edited by moalen on Mar 28, 2001 2:31 PM


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement