Wufuud fara badan oo ka timid gobolka Shabelaha Hoose oo ku soo kordheysa Baydhabo
BAYDHABO April 1, 2001 (BP)- Waxaa magaalada Baydhabo soo gaaraya wufuud fara badan oo ka imanayaan Gobolada kala duwan ee koonfurta Somaliya kuwaas oo ay u socdaan dhismaha maamul goboleedka. Wufuuda soo gaartay Baydhabo ayaa waxaa ka mid ah, Suldaanka beesha Jiido, Suldan Cusman Xaaji, iyo wafdi uu hogaaminayo waxay la kulmeen Guddoomiye ku xigeenka RRA, Sheikh Aadan Midoowe.
Suldaanku wuxuu ka waramay dhibaatada ka baxsan baniaadanimada ee lagu haayo dadkiisa, wuuxu yiri “ GUMEYSIGA MIDOW, oo aan ku jirnay 50 sano, mar walbana aan arkeyno waji cusub, manta wuxuu noo soo qaatay khamiis dheer oo wuxuu sheganaya wadaad. Maanta waxaan goansanay in aan iska saarno GUMEYTSIGA MIDOW’. Gudoomiye ku xigeenka oo halkaas ka hadlay wuxuu sheegay in mar dambe aan loo dulqaadanaynin dhibaatadaan lagu haayo dadkayna, si deg deg ahna wax looga qabandoono.
(BAYDHABO PRESS)
|