--

 Return to Index  

Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] oo maalinta Talaadada dalka dib ugu soo laabana doona

April 1 2001 at 12:48 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] oo maalinta Talaadada dalka dib ugu soo laabana doona


BAYDHABO April 1, 2001 (BP)- Wafdigii uu hoggaaminayey Guddomiyaha Ururka RRA Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] oo maalmahaanba booqashada ku joogey dalka Itoobiya ayaa maalinta Talaadada ah dib ugu soo laaban doona magaalo madaxda gobolka BAY ee BAYDHABO.

Guddomiyaha ayaa soo gabo gabeeyay socdaalkii uu ku joogey dalka Itoobiya iyo kuwo kale oo la filaayey in uu ku kala tago dalalka Talyaaniga iyo Ingriiska ka dib markii ay guddiga qaban-qaabada dhismaha Dowlad goboleedka Koonfur/galbeed Somaaliya ay ka codsadeen in uu si deg deg ah dalka ugu soo laabto bacdama la gaaray waqtigii lagu balansaana in lagu dhawaaqo Dowlad goboleedka Koonfur/galbeed Somaaliya oo ka koobanta gobolada Bay, Bakool, Gedo, Jubada Dhexe, Jubada Hoose iyo Shabeelaha Hoose.

Guddomiyaha ayaa la filayaa in isaga iyo wafdigiisu inta aysan soo gaarin magaalada BAYDHABO in ay kormeer gaaban ku soo maraan kuna hakadaan qeybo ka mid ah gobolada Bakool, Jubada Dhexe iyo Gedo. Waxaa kale oo magaalada Baydhabo ka socota isku diyaarin la isku diyaarinayo soo dhaweeynata wafdiga iyo dhismaha Dowlad goboleedka la filayo in ay maamlaha soo socda ka curato magaalado BAYDHABO.



(BAYDHABO PRESS)


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement