Xukumada Cabdiqaasim oo ka heshay dalka Sacuudiga Deeq dhan todobo milyan iyo bar oo dolar.
MUADISHO April 7, 2001 (BP)- Waxaa sida uu sheegay nin u hadlay xafiiska madaxweeynaha DKM ay dowlada Sacuudigu ugu deeqday maamulkooda lacag dhan todobo milyan iyo bar oo dolarka mareykanka ah, lacgtaas ayaa la sheegay in ay tahay qeyb ka mid ah lacagtii ay dowlada Sacuudigu ugu tala gashay in ay ku caawinto xukumada uu madaxda ka yahay Cabdiqaasim Salaad.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay durba kooxaha ku bahaysan isbahaysiga Carta ay bilaabeen dadaal ay ku doonayaan sidii ay qeyb uga heli lahaayeen lacagtaasa iyo kuwo kale oo la filaayo, kooxaha ku jira isbahaysiga Carta ee ka soo jeeda Somaliland iyo Puntland ayaa ku doodaya in bacdamaa lacagtaas lagu soo qaaday magac Somaaliyeed si isle'eg loogu qeybiyo bulshada Somaaliyeed ee aan lagu koobin oo kaliya Xamar, kooxaha kale ee Digil iyo Mirifle ee ka soo jeeda Koonfurta Somaaliya ayaan la sheegin wax dadaal ah oo ay u galeen sidii ay qeyb ugu heli lahaayeen bulshada ay sheegtaan in ay mathalaan.
(BAYDHABO PRESS)
|