--

 Return to Index  

Guddomiyaha gobolka Bay oo qaabilay wafdi Somaali iyo ajnabi isugu jira oo ka socda dalka Denmark

April 7 2001 at 8:50 PM
BAYDHABO PRESS 

 

Guddomiyaha gobolka Bay oo qaabilay wafdi Somaali iyo ajnabi isugu jira oo ka socda dalka Denmark BAYDHABO

April 7, 2001 (BP)- Magaalada BAUDHABO ayaa waxaa todobaadkaan boqasho ku yimid wafdi ka socda dalka Denmark oo isugu jira Somali iyo ajnabi, wafdigaas ayaa la sheegay in ay u socdeen sidii ay mashaariic horumarineed uga bilaabi lahaayeen degaanada koonfureed ee uu ka taliyo Ururka RRA.

Mashaariicda ay Dowlada Denmark daneynayso ayaa ah kuwa la xiriira waxbarshada iyo caafimaadka gaar ahaan dayactirka Isbitaalada iyo daawo keenista, xubnaha wafdigaan ayaa waxaa ka mid ah Maxamud Qulqul iyo Axmed Musdhafa oo ka socda Jaaliyadda Denmark.

Waxaa maalintii shalay wafdigaas ku qaabilay xaruunta gobolka una sameeyay qado sharaf Guddomiyaha gobolka Bay Md. Maxamed Cali Aaden [Qalinle] iyo Guddomiyaha Bangiga Ganacisiga JUBA Md. Shariif Xuseen Robow.




(BAYDHABO PRESS)





 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement